Saturday, 31 January 2026

Hassan Sheikh has the culture of the Pig which does not act like other animals

The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, who claimed that Ethiopia will occupy Somalia in 2024, denied this today after walking through the streets of Jigjiga, DDS headquarters.

Hassan Sheikh, who is a pet dog belonging to the President of Djibouti, the dictator Ismail Omar Guelle, has ordered to erase the history of the struggle for independence of Western Somalia against the Ethiopian colonialism and the name of the Somali heroes who were martyred in the wars between Somalia and Ethiopia in the years 1964 and 1977. 


Hassan Sheikh, who is the first president in the history of Somalia, who set his foot on the territory of his country, is recognized by many people as the leader with the worst morals and the worst politics in the history of Somalia (1960-2026).

Friday, 30 January 2026

Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa u seeto dheereyey sariflayaasha maxalliga ah ee lacagaha oo diiday qaadashada shilinka Somaliland

Sariflayaasha lacagta qalaad ee Somaliland oo ruqsad rasmi ah ka haysta Baanka dhexe ee Dowladda Somaliland ayaa si badheedh ah u jebiyey heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Baanka dowladda oo ahaa inay isku bedelaan lacagaha Somaliland iyo kuwa qalaad gaar ahaan Doollarka Maraykanka, iyaga oo bilaabay beryahan dambe inay iibsadaan kaliya lacagta doollarka, balse aanay iyagu ka iibin dadka oo xataa qofka hal doollar u dira sarifle uu macaamil la leeyahay  lacagta Somaliland waxa  jawaabta ku noqotaa tahay in aaney accounkiisa ku jirto lacag ku filani. Bank dhexe ee Somaliland oo waajibaadkiisa shaqo ay ka mid tahay inuu ilaaliyo qiimaha shillinka Somaliland iyo hanaanka sarifta lacagaha ayaan wax talaabo ah ka qaadin sariflayaasha urursanaya lacagta adag ee diiday inay qaatan lacagta Somaliland, taas oo keentay in bulshadu dhibaato kala kulanto isku bedelka lacagta Somaliland iyo doollarka.
sidaas aawadeed, Baanka dhexe ee Somaliland waxa dadweynaha kala duwani ka codsanayaan inuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaado sariflayaasha localka ah ee uu u seeto dheereyey muddo badan .

Wednesday, 28 January 2026

MP. Ilhan Omar was not injured...

MP Ilhan Omar spoke and Trump spoke about Ilhan's incident


Rep. Ilhan Omar (D-MN) tweeted after the incident at North Minneapolis City Hall, where Ilhan Omar was attacked at City Hall when a man sprayed her with an unknown substance.


Ilhan Omar was not injured, she continued her speech and said that she will not be afraid of such people.


President Trump also spoke about the incident, calling it a "fraud". 
Trump is reported to have said: "She probably blew herself up, because I know."


US President Donald Trump criticized Rep. Ilhan Omar while speaking at a rally in Iowa, hours before the arrest of the man who injured Ilhan after spraying an unknown substance during a meeting attended by Ilhan Omar in Minneapolis.

Tuesday, 27 January 2026

Somaliland's strike law abolishes the Art and media public Awareness Act


The implementation of the pension law for government agencies in Somaliland has directly affected great poets and veteran journalists who have been the backbone of the arts and the media and removed the role of the arts and the media in educating the public at its most sensitive stage.
Habeen iyo dharaar hadaladaan dhisnaa 

Afkeena hooyo oo horumaraa ku haminaa 

Hoggaaminaa had iyo jeer habnaa oo hagaajinaa 

Ma hagranee waa u hawlgalnaa 

Murtidaan hurinaa kala hufnaa 
Haqab tirnaa u heeganahay 

Dadweynahaan hanuuninaa
Hasaawina danta u hagnaa 

Dadweynahaan hanuuninaa 
Hasaawina danta u hagnaa

The peace of Erigavo is hampered by the disorganized Sanaag Regional Government

At least 20,000 families who fled Eerigabo due to violence by various Somaliland forces in late 2024, are still scattered in cities in Sanaag, Sool and Bari regions, while the new government is still trying to implement full peace in Eerigabo district. 


Although the government of Somaliland is proud of a large-scale conference on the peace of the communities living in the Sanaag region in Eerigabo, it has raised many questions as to why President Abdirahman Irro is silent about the living conditions of the people's families who have been displaced from Erigavo even once, apart from an earlier promise that he will resettle those people.

The government of Somaliland and the President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro) have failed to make a clear plan to revive the dead confidence of the administration of Sanaag Region, despite the number of times it has been loudly proposed to make significant changes in the administration of the region, which he handed over to his own family and uprooted other families in the region.

Sunday, 25 January 2026

A house collapsed



Mr. Ali, who was one of the Korean students who studied in Somalia during the military government, pointed out that the good behavior of the Somali community has recently increased with acts of hatred and jealousy, which has now reached the level of shaming, spying and alienating foreign governments, which is below the intelligence of the pig, which is the only animal that eats its own excrement... Subxaanallaah. illaahay ha idinka leexiyo JidkaNaarta  

Saturday, 24 January 2026

The words of the hypocrite can not change the dignity, honor, knowledge and wisdom that God has given to Sheikh Mustafe

The hypocrites who are spreading lies on social media giving the wrong interpretation of the speech of Sheikh Mustafa, who led the Friday prayer in the mosque, highlighted the mature oppression and brutality of the Palestinian people. They are mostly ordinary people who are not ashamed of the knowledge of Islam and the good morals of the Somaliland community and live with a new disease called tribalism.

The veterinary doctor who invented the Rimay manual for Somali cattle has passed away


Dr. Ali Askar Ali Shire who was a specialist in diseases of live animals and for a long time was the manager of the project of hand-carrying cattle (Afgoye) of the Ministry of Animal Husbandry of Somalia died last night in the city of Hingalool in the Sanaag Region where he spent the last years of his life.

May Allah have mercy on Dr. Ali Askar, who was one of the few veterinary doctors in Somalia, will be noted for his important role in the treatment of animals in the Somali pastoral community, which are the backbone of the economy of Somalia.

Dr. After the collapse of the central Somali government in 1991, Ali Askar worked for a local organization called SDR, during which time he worked tirelessly focusing on the treatment of various animals in the Sanaag region.

Friday, 23 January 2026

Janaraal Qoorsheel: Sarkaal, Siyaasi iyo Hal door Qaran

Janaraal Jaamac Cali Qoorsheel oo ka soo jeeday Gobolka Sanaag waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii lafdhabarka u ahaa dowladnimadii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga,  siyaasi iyo dowlad dhiska qaranka. Waxa uu ahaa sarkaal  caan ah oo ka tirsanaa ciidanka Booliska,  siyaasi firfircoon, islamarkaana door muuqda ku lahaa  marxaladihii ugu xaasasisanaa ee taariikhda Soomaalida.

Dhinacyada muhiimka ah ee taariikhdiisa

1) Doorkiisii dhaqdhaqii SNL iyo Gobonimada 1960 : Qorsheel wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii firfircoonaa ee Somali National league (SNL) xisbiga horseedka u ahaa halgankii xornimo doonka ee British Somaliland. xilligii dowladii rayidka ahayd ee Soomaaliya Waxa uu noqday taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya.

2) Xaaladii kacaankii Milateriga 1969
Kadib dilkii Madaxweynihii Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, bishii Oktoobar 1969, Qorsheel waxa uu noday shaqsi door weyn ku lahaa inqilaabkii milateri ee xukunka la wareegay 21kii Oktoobar 1969.
Waxa la sheegay inuu si muuqata u taageeray sarreeye gaas Maxamed Siyaad Bare, isaga oo ka mid noqday maskaxdii iyo qorshayaashii dhidibada u taagay nidaamkii kacaanka.

3) Xubin muhiim ah oo Ka mid golihii sare ee kacaanka (SRC)
Markii kacaanku xukunka la wareegay Qorsheel waxa uu ka mid noqday golihii sare ee kacaanka (SRC) wuxuna qabtay xilal sare oo ay ka mid ahaayeen;
- Madaxweyne ku xigeenka  Jamhuuriyada Soomaaliya 
- Wasiirka arrimaha gudaha (1969-1971).
Xilligan waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu awooda badnaa nidaanka cusub, gaar ahaan dhinaca amniga iyo maamulkii gudaha.

4) Xadhig iyo Eedaymo inqilaab (1971-1975)
Sanadkii 1970kii Qorsherl waxa lagu eedeyey inuu inqilaab u maleegayey Siyaad Bare, taas oo keentay in la xidhay Abriil 1971-kii. Wuxuu ku jiray xabsiga ilaa 1975kii taas oo calaamad u noqotay khilaafkii gudaha kacaanka iyo loolankii awoodda.


5) Nolosha Dambe iyo Geeridi
Kadib markii la sii daayey Qorsheel wuxuu ku hawlanaa ganacsi iyo nolol gaar ah, isaga oo ka fogaaday siyaasadda firfircoon. 
wuxuu ku geeriyooday London 1989 waxana lagu aasay Muqdisho, iyada maamusay haldoor qaran oo door muuqda ku lahaa dib u dhiska Soomaaliya. 

6) Dhaxalka qoyska iyo Saamaynta Siyaasadda.
Qorsheel waxa uu reebay dhaxal siyaasadeed oo sii socda.
- Siciid Qorsheel, wiilkiisu wuxuu isku qabtay xilal Wasiirnimo oo heer federaal iyo Maamulka Puntland.

-Sahra Qorsheel, gadhadiis  waa xildhibaan mama xubin Baarlamaan(MP) oo ka tirsan golaha shacabka ee Soomaaliyeed.

Janaral Qorsheel, taariikhdiisu waxay ka turjumaysaa  xilligii rajooyinka qaran, loolanka awoodda, iyo burburkii kalsoonida siyaasadeed ee kacankii 21kii Oktoobar 1969

 

Monday, 19 January 2026

Saadashii Rumowday ee Cali Dacuun iyo calancalka Abwaan Cabdirashiid

Cali Daacuun oo ah habar-qabe ku xeel dheer cilmiga bulshada Soomaaliyeed ayaa hore u sii sheegay in Abwaanku laf cad toobin ku hayo oo aanu la shaqayn karin Firdhiye oo ah geel jire u taagan, dhac, boob iyo ilaalinta rabitaanka siyaasiyiinta Maxamuud Garaad ku metela DFS..

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi bari Abwaan Cabdirashiid oo aan haysan awood ciidan iyo taageero beeleed midna ayaa doraad kadib markii laga dhaariyey mikirifoonka si uu kelmadiisa uga jeediyo xafladii munaasibada Caleemasaarkiisa oo ahayd mid heer qaran ah waxa uu miciin-saday afkiisa oo banaanka keenay cabashadiisa,waxa na uu bartiisa face book soo dhigay qoraal xambaarasan meerisyo ka mid ah gabaygii Abwaan Saahid Qamaan " Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saarayo..Ninkii aniga iga maarmi.kara uma muurad sheegto."
Inkasta oo la leeyahay abwaanka ilaa hadda ma dareensana cida wanjashay haddana ilo xogogaal ah ayaa tibaaxaya in go'aankii lagaga joojiyey hadal jeedinta uu ahaa fariin cad oo ay Siyaasiyiinta Maxamuud Garaad ee DFS u direen madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi bari Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril Cawl inay markii hore ku qaldameen oo u haysteen siyaasi miisan culus leh kana soo jeeda qoyska Boqortooyada faca weyn ee Warsangeli balse uu noqon iimaan laawe waxyeelo mooyee aan waxtar lahayn islamarkaana uu maamulka W. Bari ka hortaagan yahay siyaasiyiin miisan culus leh iyo aqoonyahano sare oo reer Maakhir ah, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay Maamulka curdinka ah wax weyn ku soo biiriyaan karayaan.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Abwaanku seef afweyn la dhexgalay goosankii Reer Maakhir ee u yimi Laascaanood inay wax ka dhistaan maamulkaas, kuwaas oo iminka 60% soo cararay oo dib ugu soo laabtay dhulkooda kadib markii ay u dul qaadan waayeen cadaadis iyo dibindaabyo xun oo ay kala kulmeen Madaweyne ku xigeenka Waqooyi bari Abwaan Cabdirashiid. 
Lax kastaa shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa..

Wednesday, 14 January 2026

Politicians and parliamentarians of Warsangeli who attended Firdhiye's inauguration

Politicians and parliamentarians of the DFS representing the Warsangeli community have apologized for going to the inauguration of WB leader Mr Firdhiye while respecting the decision of the senior leaders of Sanaag and Haylan states that they are not part of the North East administration.

Also, the politicians and MPs of Warsangeli described the journey of the President of Somalia, Hassan Sheikh, to Lasanood, as a multi-faceted one that has passed after the time he was supposed to go there to clarify his political and leadership position towards the North East administration.

Ali Ahmed Mohamed (Ali Daacuun) who is a politician from Makhir has previously enlightened the Somali community on the real purpose of the visit of the President of Somalia Hassan Sheikh to Lasanood that it is a political and strategic crisis but not based on the defense of Somali unity.

Monday, 12 January 2026

Xasan Sheekh oo safar gacan maris ah ku tegaya Sucuudiga ,kansalayna safarkiisii Laascaanood ee 15ka bishan

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safar deg deg ah oo gacan maris ah ugu baxo wadanka boqortooyada Sucuudi Careebiya kadib markii maanta Golahiisa wasiiradu tirtireen heshiisyadii hore u dhex maray dowlada Imaaraadka Carabta iyo DfS. kaas oo meesha ka saaraya safarkii  u qorsheysnaa inuu 15ka bishan ku tego Laascaanood si uu u soo caleemo saaro hoggaamiyaha maamulka Waqooyi bari Mr Firdhiye. 
Madaxweynaha uu wakhtigu ka dhamaanayo oo awalba u hamuum qabay inuu booqasho mar uun ku tago wadanka boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa u arka inuu helay  fursad dahabi oo uu dhaqaale buuran kaga soo dhifsan karo Maxamed Binu-Salmaan maadama uu masnta si degdeg ah u fuliyey amarkiisii ahaa inuu laalo heshiisyadii hore u dhexmaray labada Dowladood ee Iimaaradka Carabta iyo Soomaaliya. waxana talaabadani niyad jab ku rideysaa hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi bari Mr. Firdhiye oo shantii bilood ee la soo dhaafay naawiyey in Xasan Sheekh yimaado Laascaanood si uu ugu caano shubo balse sabur dheer kadib aakhirkii . don't Xasan Culusow uu si rasmi ah ugu dhaqaaya inuu 15ka bishan booqasho rasmi u tegayo halkaas oo caleemosaari doono Firdhiye. iyada oo labadii maalmood ee ugu dambeyey ay diyaarado Xamar ka soo qaaday ciidamo ah ilaaladii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale..
Xasan Sheekh oo bulsha Soomaaliyeed u jilaya filim Park ah inuu dagaal afka ah isku hortaagayo go'aankii dowlada Israal ku ictiraaftay madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa aakhirkii ceebtiisu banaanka u soo baxday kadib markii Israaal soo bandhigtay waraaqo uu ku dalbanay in DFS la galo heshiiska Israel iyo in la siiyo dhaqaale uu ku daboolo baahiyaha hay'adaha amniga ee Dowlada Federaalka Somalia, taas oo anfariir iyo naxdin ku riday dadkii runta u haystay hanjabadiihii afkiisa ka soo burqanayey markii Israaal ku dhawaaqday go'aankii ay ku aqoonsatey qaranimada Somaliland.  Waxa kale oo arrin ummaddu ka wada naxdo doqon doonta haddii uu rumoobo warka sheegaya in Xasan Sheekh u dhoofayo Sucuudiga si uu u soo tuugsado Boqor Maxamed Binu Salmaan, halkii laga eegayey inuu tego Magaalo Laascaanood oo dadka qaarkiis ku tilmaamaan inay tahay xudunta  midnimada Soomaaliyeed.
"Inkasta oo durdur iyo dabaal galo Doofaar abidkiis ma daahir" 


Hirshabeele , Waqooyi bari, Galmudug iyo KG oo u jaray xidhiidhkii Wasaarada Diinta Somalia oo isu-bedeshay NGO uu ku maxaafsado Horjoogihii hore ee As Roobow Al-Maansoor

 Wasaaradaha Arrimaha Diinta ee maamulada  Woqooyi-bari, Hirshabeelle, Galmudug & KGS ayaa ku dhaawaqay in ay xidhiidhka u jareen Wasaaradda Arrimaha Diinta Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in horjoogihii As Roobow Al- Maansuur isku cuno duubay keligii  maamulka Xajka kana baydhay hanaanka federaalka dalka.

Afaran Maamul oo ah kuwa xilligan xidhiidhka tooska ah la leh DFS, ayaa laga cabsi qabaa inay ku biiraan safka Puntland iyo Jubbaland oo iyagu hore xidhiidhkii wada shaqeynta ugu jarey Dowladda Federaalka Somalia kadib markii ay ku tagri fashay awoodii Dowladnimada Soomaaliyeed kan dhigtay NGO ay ku maxaafsadaan shaqsiyaad gaar ahi.

DFS oo laashay heshiisyadii ay hore ula gashay Imaaraadka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda u laashay dhamaan heshiisyadii ay hore ula galay Imaaraadka Carabta, oo uu xumaaday  xidhiidhkoodu  kadib socdaalkii hoggaamiyaha STC Yemen ku tegay Muqdisho dhawaan.
Golaha Wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa faadhi aan caadi ahay oo yeesheen  maanta cod aqlabiyad ah ku laalay dhamaan heshiisyadii hore u dhex maray labada dowladood ee Soomaaliya iyo Iimaaradka Carabta, kuwaas oo aan intooda badan la horgeyn baarlamaanta DFS. oo sharciyan ay tahay inay ogolaadaan ama diidaan ansixinta heshiisyada caalamiga ah.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh oo caan ku ah musuqmaasuqa ayaa la sheegay inay lacag faro badan oo xaqul qallin ah ka qaadatay dowladda Imaaraadka Carabta iyo shirkado gaar kadib markay kala saxeexdeen  heshiisyo si qarsoodi ah u dhacay marar kaln.
 
Madaxwynaha wakhtigiisu dhamaamayo oo quudareynaya inuu Boqortooyada Sucuudiga ka helo dhaqaale buuran ayaa markii u horeyey hoos u dhigay xidhiidhka Abu Dhabi oo ahaa mid ku saleysnaa dano shaqsi iyo kobcinta hantida qoyska Madaxweynaha.

Dowladda Iimaaradka Carabta ayaa xidhiidh kale oo toosa la leh maamulada Puntland, Jubbaland & Dowlada Somaliland. 

Sunday, 11 January 2026

XSM oo looga dhigay in uu sharka AS-ta Koonfurta u soo xawilo Laascaanood

Qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Dhulbahante ayaa digniin hor dhac ah u jeediyey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud in dhulkooda loo soo xawili karin kooxaha argagixisada As oo ka soo raro koonfurta Soomaaliya si uu ugu jiheeyo dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland. 

Garaadada Gobolada Sool iyo Cayn oo sida la sheegayo maanta khadka tilifoonka kula xidhiidhay Xasan Sheekh Maxamuud oo jooga Muqdisho, balse khamiista 15ka bishan ku soo wajahan magaalada Laascaanood inuu u yimaado  caleemasaarka hoggaamiyaha WB Mr Firdhiye ayaa talo ugu jeediyey in aanu difaaca midnimada Soomaaliyeed u adeegsan argagixisada As oo uu ku  balaariyo guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan Gobolada ay nabadgeliyada ka jirto.
Waxa kale oo Garaadadu u sheegeen XSM in aysan aqbali doonin qorshe guracan oo abuuri kara colaad sokeeye oo dhex marta maamulkooda waqooyi bari iyo Somaliland iyo weli Puntland. kuwaas oo ay tilmaameen inay yihiin deris uu ka dhexeeyo dhaqan iyo waxyaabo kale oo badan, balse aanu wanaagsanayn xidhiidhkoodu iminka. 

Sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola siyaasada Garaadada waqooyi bari waxay shaqsiyada XSM ku sifeeyeen inuu laba wejiyiile, khaa'in iyo axdi laawe aan balan iyo run toon aqoon habayaratee. iyaga oo  ujeedada booqashadiisa Laascaanood ku micneeyey inay tahay "Dan baa tidhi" iyo ha lsygu taageero dagaalka aan kula jiro ictiraafka Somaliland, kuwaas oo aanu wax dan ah ugu jirin maamulka WB.

Garaadada Dhulbahante gaar ahaan kuwa ka madaxbanaan siyaasiyiinta  Timo cade iyo Ina Qowdhan  oo u badan aqoonyahano si dhow ula socda xaalada cusub ee siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo dublamaasiyadeed ee uu galay dalka Somalia ayaa gambadh dheer ugu sii fadhistay  Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka war sugaya safarkiisa waxyaabaha uu la shir iman doono Laascaanood,si ay marka hore u qiimeeeyaan muga faa'ido iyo khasaare, saamayn togon iyo taban uu mustaqbalka ku yeelan karo maamulkooda curdinka ah ee Waqooyi bari. 
War jiraaba Cakaaruu iman ...

Saturday, 10 January 2026

XSM oo aqbalay baaqii shirkii Kismaanyo ee ahaa inuu gogol Qaran oo masiirka dalka iyo doorashooyinka lagaga wada tashado dhigo

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqi doona gogol wada tashi inuu u dhigay xubnaha golaha mustaqbalka oo aqbalay baaqii shirkii Kismaanyo ee ahaa inuu gogol qaran oo masiirka dalka iyo doorashooyinka looga arrinsado dhigo. 
Madaxweynaha uu wakhtigu ku dhamaanayo ayaa ujeedada gogosha wada tashi uga gol leh laba arrimood oo kala ah inu  taageero siyaasadeed ka helo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee saaxiibka la ah Iimaaradka Carabta maadama isaga iyo imaaradku ay kala xidhiidh furteen xilli uu dalka Soomaaliya ku jiro marxalada adag.
Xasan Sheekh oo dhawaan u xuubsiibtay inuu noqdo keligii taliye aan cidna wax iskaga tirin ayaa hadda u muuqa inuu yahay nin dib ugu soo laabanaya xayndaabkii sharciga ka dib markuu soo taabtay gidaarka. 

Thursday, 8 January 2026

"Bakhaarka WFP ee la burburiyey ma aha hanti si fudud loogu bedeli karo ujeedo kale iyo dano khaas ah" Xild. Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DFS ayaa wax laga naxo ku tilmaamey in xiiligan la burburiyo bakhaar ay lahayd Hay'adda cuntada aduunka WFP oo loogu talo galay in lagu kaalmeeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

"Waxaan ogaa in macaluushii laga hortagay xiligii aan ahaa Ergeyga Madaxweynaha ee ka Jawaabista Abaaraha ay inteeda badan sabab u ahaayeen kaalmada ballaaran ee saaxiibbada caalamiga ah, si gaar ah Maraykanka oo ahaa deeqbixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini'aadantinnimo u fidiya Soomaalida ay abaaraha iyo macaluushu aafeeyeen. 
Haddaba walaaca isa soo taraya ee dawladda Maraykanka marnaba lama dhayalsan karo. Soomaaliya waxay wajahaysaa abaar ba'an, sidaa awgeed ilaalinta gargaarka bini'aadantinnimo ee xilligan oo kale waa waajib akhlaaqeed. 
Waxaase wax laga naxo ah in xilligan la burburinayo bakhaarkii ay lahayd Hay'adda Cuntada Addunka (WFP), kaas oo loogu talaggalay in lagu kaalmeeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen. 

Bakhaarka lagu kaydiyo cuntada qoysaska nuguli waa halbowle nololeed oo dadka wax lagu gaarsiinayo. Ma aha hanti si fudud loogu beddeli karo ujeeddo kale iyo dano khaas ah, iyada oo aan la helin hufnaan buuxda iyo heshiis lala gaaro hay'adaha gargaarka oo ay ku jirto Hay'adda Cuntada Adduunka xafiiskeeda Soomaaliya. 

Iyada oo aan ognahay in kummanaan Soomaaliyeed si sharcidari ah loo barakiciyey, haddana in sidan masuuliyad darida ah loola dhaqmo hay'adaha gargaarka waxay tilmaan u tahay in hoggaanka dalku aanu wax dan ah ka lahayn danyarta Soomaaliya ee nololxumada iyo tacaddiyada dawladeed la dhibban. 

Waxaan dalbanaynaa in la sameeyo baaritaan rasmi ah oo madaxbannaan, taas oo lagu xaqiijinayo sababta keentay in la burburiyo xarumihii hay'adda gargaarka. Sida oo kale, waxaan ku baaqaynaa in la helo dammaanad adag oo lagu ilaalinayo xarumaha gargaarka. Gargaarka dadkeenna iyo kalsoonida deeqbixiyayaashu way isku xiran yihiin, sidaa darteed waa in kalsoonida jabtay dib loo kabo, waa haddii uu jiro damiir iyo damqasho masuuliyadeed oo dhab ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Jabhado Hubeysan ka abuuraya gudaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda federaalka Somalia Xassan Sheikh Mohamud ayaa la sheegay inuu bilaabey qorshe uu jamhado hubaysan iyo ciidamo beeleedyo kaga abuurayo gudaha Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacayo, kuwaas oo nabadgelyo buuxda ay ka jirto hadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo faraha ku leh  dhiiga dadkii shacabka ah ee doraad ku laayey Dayniile ayaa sida la sheegay ku amray taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yusuf Raage in uu abuuro guutada 32aad ee ciidanka qaranka Somalia, oo dib u hayb ku sameeyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed.  taas oo noqonaysa sadex urur oo loo kala qeybiyey sidan, Ururka 321-aad, oo Boosaaso ah, Ururka 322aad, oo Garoowe ah, Ururka 333,aad oo Gaalkacyo ah.

Xassan Sheikh oo sadaxdii sano ee la soo dhaafay u tafaxaydnaa dagaal ka dhan ah maamulka Puntland ayaa inuu marar kala duwan hore u sheegay in ay ciidamo DFS u joogaan gudaha Puntland, .haseyeeshee qaar kamid ah Senatarada Puntland ku metela Baarlamaanka DFS ayaa ciidankaas ku tilmaamay inay yihiin jabhado la abaabulayo, oo la doonsyo in lagu khalkhal geliyo amniga iyo xasiloonida Puntland.


Monday, 5 January 2026

Habar caal weyday Durey bay hafartaa !!

" Koox yar oo xagjir ah kana rajo beeshay inay naga go'do ayaa Yuhuuda u gacan haadisay" sidaas waxa yiri; Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta kala hadlay Arab News go'aankii dowlada Israal ku ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland 25kii December 2025kii.  
XSM oo ah siyaasi ka aradan anshaxa luqada dublamaasiyada ayaa rajo xumo iyo niyad jab ku dhacay awgood miicin bidaya inuu adeegsado weedh  ah inuu Israail siyaasiyan ka adkaan doono dhawaan oo haysto taageerada dowlado shisheeyo. waxana uu tilmaamay in madaxda dowlada Somaliland  yihiin koox yar oo xagjir oo ka rajo beeshay inay Soomaaliya ka go'aan. kuwaas oo uu sheegay inay Israaal u gacan haadiyeen si ay u  ictiraafto Somaliland. Xasan Sheekh isaga oo isku dayeyay inuu xaqiiqada dhabta ah qariyo oo been cad ka dhaadhiciyo bulshadiisa waxa uu ilaa maanta is diidsiinay  in Israaal ay si rasmi ah u ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay in DFS geed gaaban iyo mid dheerba u fulayso sidii ay Somaliland uga hor istaagi lahayd ictiraaftkaas. isaga oo xusay in arrintaas kala shaqeynayaan Dowlado ay saaxiibo yihiin Soomaaliya. 
Kooxda xaraash qaran oo todobaadkii la soo dhaafay hadalo xanafleh isu marinaysay warbaahinta Muqdisho ayaa  XSM u soo jeediyey inay xaalada dejiyaan oo ay isu tanaasulaan wixii khilaaf iyo madmadow soo dhex galay meesha laga saaro si ay dalka uga difaacaan cadowga ku soo duulay.

Mudane Xasan Sheekh oo dad badani ku  tilmaameen inuu yahay shaqsi musuqmaasuqa ah, go'aan jilicsan,  kana aradan aqoonta siyaasada oo jahawareersan ayaa mustaqbalka jiilasha dambe waxay  ceebtiisa ka dheehan doonan diiwaanka kaydka taariikhda Soomaalida in nin Xasan Sheekh la odhan jiray uu dalka  madaxweyne ka ahaa markii Israaal ay sida rasmiga ah u   ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland 
 " Falaadhi gilgilasho kaagama hadho..."

Xukuumadda Somaliland oo beenisay warar sheegayey in Turkigu saldhig ka sameysanayo Laasqoray

Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax(Cali-Buureed)  ayaa si adag u beeniyey warar ku tiri ku teen ah oo sheegayey in Dowladda Turkigu ka dhisanayso Laasqoray deked iyo saldhig Militeri, isaga oo cadeeyey in ciidanka badda ee Somaliland uu joogo Laasqoray oo ka tirsan dhulka Somaliland.
Wasiir Cali Bureed oo maanta warbaahinta maxaliga ah ugu waramayey magaalada Hargeysa ayaa huuhaa waxba kama jiraan ah been abuur ah ku tilmaamey warka sheegaya in Turkigu Deked iyo saldhig ciidan ka dhisanayo magaalo xeebeeda Laasqoray ee gobolka Sanaag waxana uu weriyayaasha Somaliland kula dardaarmay inay joojiyaan faafinta wararka been abuurka ah ee cadowga sida Dowladda taagta daran ee Soomaaliya oo awoodeedu ku soo ururtay  inay bulshada iska horkeento kadib markii ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibada iyo qorshihii jihaynta doorashada madaxtooyada Soomaaliya. 
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax oo.ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ah siyaasi aragti dheer leh oo si dhow ula socda xaalada dhabta ah ee ka jirta Laasqoray iyo degmooyinka kale ee bariga gobolka Sanaag kuwaas oo aaney saameyn ku lahayn DFS habayaratee.

Friday, 2 January 2026

Yuhuudu waxay u qaybsantaa Sadexda qaybood oo waaweyn..

Yuhuuda sadex (3) qaybood oo waaweyn baa loo qaybiya, waana muhiim in Somaliland ay barato dadka ay xidhiidhka la samaysay, sida ay u qaybsanyihiin iyo dhaqan ahaan, taariikh ahaan, taas ayaa keeni in la fahmo qaabka go, aanka loo qaato, iyaguna waydin darsayaan Ilaa jilib hoose.

Ashkanaasi. Waa qaybta maanta awooda dalka haysa, waxana ay ka yimaadeen,Yurubta dhexe iyo Bariga Yurub, sida Jarmalka , Poland, Russia, Lithuania.waxay leeyihin luqad hoose oo la dhaho Yiddish.waana qoomiayada ugu  badan.

2- Sephardi.waxa ay ka yimaadeen Spain and Portugal, kadib waxay u guureen Waqooyiga Africa,Turkey, Balkans . Waxay ku hadlaan luqad gaar ah oo hoose Ladino ayaa la dhaha. dhaqan ahaan way ka duwan yihiin kuwa kale.

3. Mizrahi, asal ahaan bariga dhexe ayay ka soo jeedaan,waxayna dhaqan ahaan aad ugu dhaw yihiin Yuhuudi hore ee Bariga dhexe deganaan jiray.

Thursday, 1 January 2026

Xildhibaanada baarlamaanka DFS ee ka soo jeeda Somaliland oo eedaymo kulul u soo jeediyey Dowladda Somalia

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Somaliland ee kusugan Muqdisho ayaa markii ugu horeysay doodaha dhexyaala Somalia iyo Somaliland, iyagoo gabi ahaanba ka gaabsaday in ay cambaareeyaan ama soo hadal-qaadan  go'aanka ISR|L ay ku ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland, 25kii December 2025.

Xildhibaanada ayaa si cad u garab istaagay qadiyadav Somaliland, waxayna taxeen qodobo waa-weyn oo ay arar ka dhigteen, gaar ahaana doodaha ad adag ee laxariira in Soomaaliya dib wax ugu qeybsan karto oo kaliya Koonfur & Waqooyi, sidaas oo kale ay sheegeen in ficilada kasocda dhinacyada ay xaaladda uga darayaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in halkii laga raadin lahaa Midnimo iyo dawlad Soomaaliyeed, ay Koonfurtu talada maroorsatay oo dawladnimada 25kii sannaba lagu dulminayay aragtida Somaliland, aysana taasi sax aheyn.

Dawladda Faderaalka, waxay ku eedeeyeen in aysan jirin wax qorshe ah oo ay Midnimada ka leedahay, yoolka Koonfurtuna uu yahay uun in madaxweynaha & Ra'iisulwsaaaraha la kala qaato.

Sida kaliya oo heshiis ku imaan karro ayay sheegeen in ay taahy wada hadal loo galo Koonfur & Waqooyi oo aan wax kale jirin, taas oo ka dhigan dood adag.

1- Waxaan cadeynaynaa in aan Muqdisho u joogno Midnimo, waxaan aaminsanahay in dantu ku jirto wadajirka ummadda.

2- Dawladdii Soomaaliyeed 1dii July 1960-kii waxay ka dhalatay labo dawladood "Somaliland & Somalia", waa in lagu laabtaa heshiiskaas dibna loo qeexaa isla jidkaas.

3- Si aanay u gaarin dhibaato aan la mahdin doonin wadajirka, waxaan labada dhinac ugu baaqaynaa Somaliland & Soomaaliya gaar ahaana madaxda hoggaanka in la joojiyo hadalada naceybka ah ee sii kala irdhaynaya bulshada.

4- Marnaba uma aragno gar iyo daw in la inkiro xaqqa dadka Soomaaliland ay leeyihiin & Dhibkii loogu geystay magaca dawladnimada Soomaaliya oo macruuf ah.

5- Argagixisada caalamiga ah waxay khatarta ku hayaan waa in laga fogaado in la diimeeyo Khilaafkaadkja siyaasiga ah ee Soomaalida u dhaxeeya, si looga fogaado oo ay adkaan in xal loo helo.

6- Dawladda Faderaalka waa in ay ka baaqsataa talaabooyin tabanaya dhaqaalaha, amniga & socodka dadka Somaliland jooga, maadaama aan xoog lagu qasbi karin Midnimo.

7- Dawladda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa in ay kusoo laabato miiska wada xaajoodyada si xal waara looga gaaro khilaafka jira.