Madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi bari Abwaan Cabdirashiid oo aan haysan awood ciidan iyo taageero beeleed midna ayaa doraad kadib markii laga dhaariyey mikirifoonka si uu kelmadiisa uga jeediyo xafladii munaasibada Caleemasaarkiisa oo ahayd mid heer qaran ah waxa uu miciin-saday afkiisa oo banaanka keenay cabashadiisa,waxa na uu bartiisa face book soo dhigay qoraal xambaarasan meerisyo ka mid ah gabaygii Abwaan Saahid Qamaan " Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saarayo..Ninkii aniga iga maarmi.kara uma muurad sheegto."
Inkasta oo la leeyahay abwaanka ilaa hadda ma dareensana cida wanjashay haddana ilo xogogaal ah ayaa tibaaxaya in go'aankii lagaga joojiyey hadal jeedinta uu ahaa fariin cad oo ay Siyaasiyiinta Maxamuud Garaad ee DFS u direen madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi bari Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril Cawl inay markii hore ku qaldameen oo u haysteen siyaasi miisan culus leh kana soo jeeda qoyska Boqortooyada faca weyn ee Warsangeli balse uu noqon iimaan laawe waxyeelo mooyee aan waxtar lahayn islamarkaana uu maamulka W. Bari ka hortaagan yahay siyaasiyiin miisan culus leh iyo aqoonyahano sare oo reer Maakhir ah, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay Maamulka curdinka ah wax weyn ku soo biiriyaan karayaan.
Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Abwaanku seef afweyn la dhexgalay goosankii Reer Maakhir ee u yimi Laascaanood inay wax ka dhistaan maamulkaas, kuwaas oo iminka 60% soo cararay oo dib ugu soo laabtay dhulkooda kadib markii ay u dul qaadan waayeen cadaadis iyo dibindaabyo xun oo ay kala kulmeen Madaweyne ku xigeenka Waqooyi bari Abwaan Cabdirashiid.
Lax kastaa shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa..
No comments:
Post a Comment