Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax(Cali-Buureed) ayaa si adag u beeniyey warar ku tiri ku teen ah oo sheegayey in Dowladda Turkigu ka dhisanayso Laasqoray deked iyo saldhig Militeri, isaga oo cadeeyey in ciidanka badda ee Somaliland uu joogo Laasqoray oo ka tirsan dhulka Somaliland.
Wasiir Cali Bureed oo maanta warbaahinta maxaliga ah ugu waramayey magaalada Hargeysa ayaa huuhaa waxba kama jiraan ah been abuur ah ku tilmaamey warka sheegaya in Turkigu Deked iyo saldhig ciidan ka dhisanayo magaalo xeebeeda Laasqoray ee gobolka Sanaag waxana uu weriyayaasha Somaliland kula dardaarmay inay joojiyaan faafinta wararka been abuurka ah ee cadowga sida Dowladda taagta daran ee Soomaaliya oo awoodeedu ku soo ururtay inay bulshada iska horkeento kadib markii ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibada iyo qorshihii jihaynta doorashada madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax oo.ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ah siyaasi aragti dheer leh oo si dhow ula socda xaalada dhabta ah ee ka jirta Laasqoray iyo degmooyinka kale ee bariga gobolka Sanaag kuwaas oo aaney saameyn ku lahayn DFS habayaratee.
No comments:
Post a Comment