Thursday, 8 January 2026

"Bakhaarka WFP ee la burburiyey ma aha hanti si fudud loogu bedeli karo ujeedo kale iyo dano khaas ah" Xild. Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DFS ayaa wax laga naxo ku tilmaamey in xiiligan la burburiyo bakhaar ay lahayd Hay'adda cuntada aduunka WFP oo loogu talo galay in lagu kaalmeeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

"Waxaan ogaa in macaluushii laga hortagay xiligii aan ahaa Ergeyga Madaxweynaha ee ka Jawaabista Abaaraha ay inteeda badan sabab u ahaayeen kaalmada ballaaran ee saaxiibbada caalamiga ah, si gaar ah Maraykanka oo ahaa deeqbixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini'aadantinnimo u fidiya Soomaalida ay abaaraha iyo macaluushu aafeeyeen. 
Haddaba walaaca isa soo taraya ee dawladda Maraykanka marnaba lama dhayalsan karo. Soomaaliya waxay wajahaysaa abaar ba'an, sidaa awgeed ilaalinta gargaarka bini'aadantinnimo ee xilligan oo kale waa waajib akhlaaqeed. 
Waxaase wax laga naxo ah in xilligan la burburinayo bakhaarkii ay lahayd Hay'adda Cuntada Addunka (WFP), kaas oo loogu talaggalay in lagu kaalmeeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen. 

Bakhaarka lagu kaydiyo cuntada qoysaska nuguli waa halbowle nololeed oo dadka wax lagu gaarsiinayo. Ma aha hanti si fudud loogu beddeli karo ujeeddo kale iyo dano khaas ah, iyada oo aan la helin hufnaan buuxda iyo heshiis lala gaaro hay'adaha gargaarka oo ay ku jirto Hay'adda Cuntada Adduunka xafiiskeeda Soomaaliya. 

Iyada oo aan ognahay in kummanaan Soomaaliyeed si sharcidari ah loo barakiciyey, haddana in sidan masuuliyad darida ah loola dhaqmo hay'adaha gargaarka waxay tilmaan u tahay in hoggaanka dalku aanu wax dan ah ka lahayn danyarta Soomaaliya ee nololxumada iyo tacaddiyada dawladeed la dhibban. 

Waxaan dalbanaynaa in la sameeyo baaritaan rasmi ah oo madaxbannaan, taas oo lagu xaqiijinayo sababta keentay in la burburiyo xarumihii hay'adda gargaarka. Sida oo kale, waxaan ku baaqaynaa in la helo dammaanad adag oo lagu ilaalinayo xarumaha gargaarka. Gargaarka dadkeenna iyo kalsoonida deeqbixiyayaashu way isku xiran yihiin, sidaa darteed waa in kalsoonida jabtay dib loo kabo, waa haddii uu jiro damiir iyo damqasho masuuliyadeed oo dhab ah.

No comments:

Post a Comment