Madaxweynaha uu wakhtigu ka dhamaanayo oo awalba u hamuum qabay inuu booqasho mar uun ku tago wadanka boqortooyada Sucuudi Careebiya ayaa u arka inuu helay fursad dahabi oo uu dhaqaale buuran kaga soo dhifsan karo Maxamed Binu-Salmaan maadama uu masnta si degdeg ah u fuliyey amarkiisii ahaa inuu laalo heshiisyadii hore u dhexmaray labada Dowladood ee Iimaaradka Carabta iyo Soomaaliya. waxana talaabadani niyad jab ku rideysaa hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi bari Mr. Firdhiye oo shantii bilood ee la soo dhaafay naawiyey in Xasan Sheekh yimaado Laascaanood si uu ugu caano shubo balse sabur dheer kadib aakhirkii . don't Xasan Culusow uu si rasmi ah ugu dhaqaaya inuu 15ka bishan booqasho rasmi u tegayo halkaas oo caleemosaari doono Firdhiye. iyada oo labadii maalmood ee ugu dambeyey ay diyaarado Xamar ka soo qaaday ciidamo ah ilaaladii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale..
Xasan Sheekh oo bulsha Soomaaliyeed u jilaya filim Park ah inuu dagaal afka ah isku hortaagayo go'aankii dowlada Israal ku ictiraaftay madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa aakhirkii ceebtiisu banaanka u soo baxday kadib markii Israaal soo bandhigtay waraaqo uu ku dalbanay in DFS la galo heshiiska Israel iyo in la siiyo dhaqaale uu ku daboolo baahiyaha hay'adaha amniga ee Dowlada Federaalka Somalia, taas oo anfariir iyo naxdin ku riday dadkii runta u haystay hanjabadiihii afkiisa ka soo burqanayey markii Israaal ku dhawaaqday go'aankii ay ku aqoonsatey qaranimada Somaliland. Waxa kale oo arrin ummaddu ka wada naxdo doqon doonta haddii uu rumoobo warka sheegaya in Xasan Sheekh u dhoofayo Sucuudiga si uu u soo tuugsado Boqor Maxamed Binu Salmaan, halkii laga eegayey inuu tego Magaalo Laascaanood oo dadka qaarkiis ku tilmaamaan inay tahay xudunta midnimada Soomaaliyeed.
"Inkasta oo durdur iyo dabaal galo Doofaar abidkiis ma daahir"
No comments:
Post a Comment