Friday, 30 January 2026

Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa u seeto dheereyey sariflayaasha maxalliga ah ee lacagaha oo diiday qaadashada shilinka Somaliland

Sariflayaasha lacagta qalaad ee Somaliland oo ruqsad rasmi ah ka haysta Baanka dhexe ee Dowladda Somaliland ayaa si badheedh ah u jebiyey heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Baanka dowladda oo ahaa inay isku bedelaan lacagaha Somaliland iyo kuwa qalaad gaar ahaan Doollarka Maraykanka, iyaga oo bilaabay beryahan dambe inay iibsadaan kaliya lacagta doollarka, balse aanay iyagu ka iibin dadka oo xataa qofka hal doollar u dira sarifle uu macaamil la leeyahay  lacagta Somaliland waxa  jawaabta ku noqotaa tahay in aaney accounkiisa ku jirto lacag ku filani. Bank dhexe ee Somaliland oo waajibaadkiisa shaqo ay ka mid tahay inuu ilaaliyo qiimaha shillinka Somaliland iyo hanaanka sarifta lacagaha ayaan wax talaabo ah ka qaadin sariflayaasha urursanaya lacagta adag ee diiday inay qaatan lacagta Somaliland, taas oo keentay in bulshadu dhibaato kala kulanto isku bedelka lacagta Somaliland iyo doollarka.
sidaas aawadeed, Baanka dhexe ee Somaliland waxa dadweynaha kala duwani ka codsanayaan inuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaado sariflayaasha localka ah ee uu u seeto dheereyey muddo badan .

No comments:

Post a Comment