Friday, 26 December 2025

Hambalyo Guul wayn oo aan sugeynay baa maanta timid

A long-awaited day has arrived: the birth of the newest nation in the world, the Republic of Somaliland.
Congratulations on this momentous occasion. 

 

Congratulations.

Madaxweyne hore Farmaajo oo ka hadlay go'aanka Israel oo si rasmiga ah u ictiraaftay Somaliland

International law requires Israel to comply and respect the territorial integrity and sovereignty of Somalia. Recognizing a part of Somalia is a complete breach of this. Somaliland is an integral part of Somalia. Our people are firmly united in the defence of their sovereignty.

Tuesday, 23 December 2025

Xukuumada Somaliland oo afka ka furtay dagaal bundadood oo Hudheydha sanad gudahiis

Xukuumada Somaliland ee dan qaran ayaa afka ka furtay sagaal bundadood oo hudheydh ah mudada halka sano ee ay xilka hogaaminta haysay halkii laga sugaayey inay dadka loo dhibaayo xilalka sare ay noqdaan kuwo xul ah oo bulshadu ku wada qanci karo.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo haystay kalsoonida dadka 65% ayaa durba  lumiyey nus  kalsoonidaas kadib markii ay ku hungoobeen isbedelkii ay filayeen inuu sameeyo doorashidii kadib markii uu noqday Buurtii foolatey ee Huudheydhka dhashay, taas oo ay dheertay madaxweynaha oo noqday nin go"aankiisu  jilicsan yahay oo labac labac badan , ummaddana ku maaweeliya been niyad dhis ah WAX WEYN BAA SOO SOCDA...IWM.  
Xumuumada Somaliland waxa kale oo bulshadu ku .dhaliilaysaa arrimo.ay ka mid yihiin inay shidaalka ka qaadato Isimada dhaqanka gacan Libaax gaar ahaan garab lagu xanto Ictisaam xag jirka ah. kuwaas oo.wax ka jaangooya siyaasada dalka, islamarkaana odayga kula taliyey inuu dadka majarahabaabiyo oo maalina filin cusub u daro maalina magacaabo guddi wax jaanjaamisa.
Xukuumadda Somaliland oo haysata fursad balaadhan weli waxa dad badani u soo jeedinayaan inay dib u saxid ku sameyso khaladaadkeedii halkii sano ee la soo dhaafay oo soo dhisto xukuumad tayo iyo karaamo leh iyada oo ahmiyada koowaad la siinayo yaa wax qaban oo damin karaya xiisadaha colaadeed ee dalka bari iyo galbeedba gilgilay. "MA DOORAN KARNO EE ILLAAHAY NOO DOOR". Madaxweynaha waxa laga baryayaa in aanu mar kale furin Huudhayd ka dambeeya bundadii xalay oo u badnayd khamiisyo Bangaladhiish ah.

Monday, 22 December 2025

Maxay daaran yihiin ficilada soo dhaweynta Daahir Rayaale iyo dhoolo tuskii Muuse Biixi

Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliland, gaar ahaan Muuse Biixi Cabdi iyo Daahir Riyaale Kaahin oo mid kasta muddo todoba sano ah hore u soo xukumay dalka Somaliland ayaa u muuqda inay ku dhex milmeen siyaasadaha iyo dagaalka dhaqaale iyo istiraajiyadeed ee geeska Afrika, iyada oo dad badani tuhunsan yahay inay heshiis ku yihiin dibin daabyada iyo fashilinta barnaamijka siyaasadeed xukuumada cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), si aanay talaabo hore ugu dhaqaaqin oo ay biqilka ku saqiirto, illahay kama dhigee.
Tuhunkan oo ka dhashay kulan ay Labada ex-Madaxweyne Biixi iyo Riyaale, ku yeesheen wadanka imaaraadka Carabta ayaa soo shaac baxay maanta kadib markii Hargeysa laga dareemay qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne hore Daahir Riyaale Kaahin oo beri ku soo wajahan dalka. taas oo ah mid ugub ah oo aan hore loogu sameyn Riyaale oo marar badan ka soo degay Madaarka Hargeysa ee Igal International Airport, halkaas oo todobaadkii hore si weyn loogu soo dhaweeyey Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi oo ka soo laabtay Iimaaradka Carabta oo uu dafar gaaban ugu maqnaa. 
Nin ka yaabay cilada Hal geel ah oo lahaa ayaa laga guntay oraahdan ; "Hashu maankayga garage ma mansaar bay liqday: Mucaaradada madaxweyne hore waa Biixi iyo Rayaale, oo ku soo beegmay xilli khilaal ka dhex oogan yahay beelaha degan gobolada Awdal iyo Selel Ciise iyo Samaroon ayaa dadka siyaadada falanqayeen tilmaameen in dhaqdhaaqyada ka dambeeyaan dowlado shisheeye oo dano gaar ah ka leh Somaliland iyaga oo isku sidkaya mucaaradada labada oday iyo xiisada colaadeed ee ka dhex aloosan beelaha walaalaha ah ee Ciise iyo Samaroon oo ahaa astaanta nabada. 
Si kastaba ha ahaatee ,ficiladan isku xig xiga ee soo dhoweynta Daahir Riyaale iyo dhoola tuskii Muuse Biixii ayaa bulshadu dhowraysaa meesha ay biyo dhigi doonaan mustaqbalka dhow.. "Hombo-baro libaax bay bay soo wadaa" 

Saturday, 20 December 2025

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddida heer qaran ee baadhista dhacdadii Gobolka Awdal


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Baadhista iyo Qiimeynta dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay Gobolka Awdal, kaas oo la wareegi doona shaqadii hay’adaha ay khusayso hawsha baadhistu.
Guddidan oo ka kooban 21 xubnood ayaa loo xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan duruufaha, sababaha iyo saamaynta dhacdooyinkii amni iyo mudaharaadyadii ka dhacay gobolka Awdal horaantii bishan, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista guddidan ayaa dhalisay falcelin kala duwan. Qaar ka mid ah bulshada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid lagu doonayo in lagu qariyo ama lagu yareeyo masuuliyadda ka dhalatay khasaarihii la sheegay in ciidamada Somaliland u geysteen dad shacab ah oo mudaharaadayay.
Dhinaca kale, dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa sidoo kale xusay in Madaxweyne Cirro hore u magacaabay Guddida Nabadda Heer Qaran, kuwaas oo la sheegay inay si toos ah ula wareegeen shaqooyin horey u hoos iman jiray Golaha Guurtida Somaliland, gaar ahaan hawlaha nabadeynta, xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee bulshada.
Arrintan ayaa sii xoojisay doodda ku saabsan isku-dhaca hay’adaha qaranka, kaalinta Golaha Guurtida, iyo jihada ay xukuumadda cusub u wajahday maaraynta arrimaha amniga iyo nabadgelyada dalka.
Ilaa hadda, xukuumaddu kama bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sida guddidan cusub ay ula shaqayn doonto hay’adaha kale ee dastuuriga ah, ama muddada ay qaadanayso soo saarista natiijada baadhista. 
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland MD. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaan ilaa hadda ka hadal saameynta guddiyada Madaxweynuhu magacabay ku yeedheen shaqadii hay’adaha distooriga ah ee qaranka Somaliland. 

Thursday, 18 December 2025

Xukuumada Somaliland oo daawade ka ah isbedelka siyaasadeed ee geeska afrika iyo ololaha damaca Xasan Sheekh

Xukuumada Somaliland oo maahnta haysata fursad ay kaga falcelin karto talaabooyinkan cadowtinimada ah ee Xasan Sheekh oo wajahaya duufaanada mucaaradka gudaha iyo culays dibada ah ayaa dadka falanqeeya siyaasada geesku tilmaameen in Somaliland ay lumisay doorkeedii mucaaradnimo ee ka dhanka ah damaca Xasan Sheekh ku doonayo inuu xukunka ku sii haysto doorasho macmal oo uu isku dayayo inay ka qabsoonto Muqdisho iyadoo aaney isku waafaqsanaayn saamilayda Siyaasada Soomaaliya.. taas oo khatar weyn ku ah jiritaanka Somaliland mustaqbalka dhaw, maadaama uu Xasan Sheekh yahay cadowga koowaad ee Somaliland oo dhibta u yar ee uu u gaystay ay tahay barnaamijka E-visa ee uu lacagta kaga urursado qurbo joogta iyo dadka kale ee u soo socdaalaya Somaliland. Sidaas darteed xukuumada Somaliland waa inay cadeyso mowqifkeeda siyaasadeed ee ku wajahan ka hortaga damaca Xasan Sheekh ee ku wajahan dib isu doorashadiisa madaxweyne, intii ay daawade ka noqon lahayd dhaqdhaaqyada kooxaha mucaaradka ee Muqdisho, Kismaanyo iyo Garoowe oo iminka shir  uga socdo Kismaanyo..Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa soo jeediyey in xukuumada Somaliland inay qayb qaadato dagaal siyaasadeedka lagu burburinayo damaca Xasan Sheekh ee hirgelinta doorashada macmalka ah iyaga oo xusay in beesha Caalamka iyo Maraykanka culay ku saarayaan Xasan Sheekh iinuu qabto doorasho loo dhan yahay oo ay isku waafaqsan yihiin dhinacyada siyaasada Soomaaliya iiyaga oo cadeeyey in Xasan Sheekh uu meelnna u jihayn kari waayey siyaasada dalka Soomaaliya. waxana ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho gacan ku rimis oo uu qabto Xasan Sheekh. 

Trump oo weerarka u ku hayo Soomaalida Maraykanka lagu tilmaamay dhuumasho dhabarku muuqdo



🚨 NBC reports that the White House has quietly issued an internal “silent protocol,” forbidding officials from speaking about the Jeffrey Epstein case without direct top-level approval. Sources say President Donald Trump has chosen a strategy of strategic silence, following backlash over his refusal to release testimony tied to Epstein — the disgraced financier accused of trafficking minors in 2019.


Wednesday, 17 December 2025

Dr. Gaboose: Syaasiga keliya ee Somaliland aaney siin fursad uu ku muujiyo hibadiisa Hoggaamineed



Siyaasi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waa shaqsi dhif ah oo ay isku biireen dhammaan sifooyinka lagu garto hoggaamiyaha dhabta ah: aragti fog, geesinimo, daacadnimo iyo khibrad siyaasadeed oo gaadhaysa in ka badan konton sano. Waa nin si qoto dheer u fahamsan duruufaha bulshada Somaliland iyo caqabadaha hortaagan horumarkeeda. Dad badan oo ka mid ah shacabka ayaa si buuxda u rumaysan in Dr. Gaboose yahay siyaasiga keliya ee dalka ka samatabixin kara jahawareerka siyaasadeed, musuqmaasuqa iyo hoggaaminta liidata ee maanta lagu hagayo.

Si kastaba ha ahaatee, nasiib-darro taariikhi ah ayaa ku habsatay Somaliland, maadaama Dr. Gaboose weligiis aan loo oggolaan inuu helo fursad uu ku muujiyo hibadiisa hoggaamineed. Halkii la siin lahaa hoggaan karti leh oo daacad u ah danaha qaranka, waxa marar badan lagu qanciyay bulshada si loo raali geliyo qabiil gaar ah in ay doortaan madaxweyne jilicsan, aan lahayn go’aan-adayg iyo hogaamin dhab ah, kana indho la’ dulmiga, cadaalad-darrada iyo burburka ku sii fidaya hay’adaha dawladda.

Arrintani waxay si cad u muujinaysaa sida danaha qabiilka, eexda iyo xisaabta gaaban ay uga hor istaageen Somaliland inay hesho hoggaan dhab ah oo u qalma, halka ay seegtay fursad dahabi ah oo uu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ku noqon lahaa hoggaamiye dalka u horseeda caddaalad, horumar iyo karaamo qaran. Garmaqaatayasha iyo dadka beerra ruux gudhane,
 
Ninka ugu ildheer baa dadka ugu ayaan daran
Wax aan lala arkayn baa isaguun u muuqda.
Ahay ah maskaxdaa laga abaaroobay. 



Maxaad ka taqaanaa digreetadii u horraysay ee uu soo saaray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin? Abdi Haybe Blog: 17 December 2025

Maxaad ka taqaanaa digreetadii u horraysay ee uu soo saaray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin?
Abdi Haybe Blog: 17 December 2025

Hargeysa – Madaxweyne hore Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka mid yahay hoggaamiyeyaashii Somaliland ee door muuqda ka qaatay marxaladihii kala-guurka siyaasadeed ee dalka. Ka hor intii aanu noqon madaxweyne, Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland tan iyo 1997, xilligii uu madaxweynaha ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Kaddib geeridii Madaxweyne Cigaal oo ku beegnayd 3-dii May 2002, isaga oo xilka haya, Daahir Rayaale Kaahin ayaa sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynaha, waxaana loo dhaariyey hoggaanka dalka.

Markii xilka loo dhaariyey, digreetadii u horraysay ee uu soo saaray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxay ku saabsanayd sixidda magaciisa rasmiga ah. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in magaca ay dad badani ugu yeedhi jireen ee ahaa “Daahir Riyaale” uu yahay magac khaldan, halka magaca saxda ah ee rasmiga ahi uu yahay Daahir Rayaale Kaahin.

Digreetadan ayaa dhalisay falcelin bulsho oo kala duwan. Inkasta oo dad badan ay u arkeen tallaabo muujinaysa kala dambayn, nidaam iyo ixtiraam dawladnimo, haddana qaar ka mid ah bulshada ayaa is-weydiiyay sababta madaxweynuhu u sixi waayey magaciisa intii uu ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Xilligaas, aniga oo ah Cabdi Haybe, kana hawlgelayey wargeyska madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda, waxaannu si dhow ula soconnay dhacdadan, waxaanan warbaahinta u soo tebinnay sidii ay bulshadu uga falcelisay digreetada madaxweynaha. Qaar ka mid ah dadweynaha waxay ku doodayeen in xilka madaxweynaha uu leeyahay awood sharci iyo maamul oo ka duwan tan madaxweyne-ku-xigeenka, taas oo ka dhigaysa in go’aannada noocaas ahi inta badan yimaaddaan marka xilka ugu sarreeya la qabto.

Warbixintani waxay sidoo kale muujinaysaa cashar muhiim ah: mas’uul magaciisa si fudud ayaa loogu beddeli karaa mid khaldan ama dacaayad ah, haddii aan la dhowrin saxnaanta xogta. Sidaas awgeed, dhacdadani waxay xasuusin u tahay warbaahinta, bulshada iyo hay’adaha dawladdu inay ilaaliyaan adeegsiga magacyada rasmiga ah, kana fogaadaan magac-u-yeedh khaldan ama yareyn xambaarsan.

Ugu dambayn, digreetadii ugu horraysay ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ma ahayn oo keliya sixid magac, balse waxay ahayd farriin ku saabsan nidaamka, sharciga iyo ixtiraamka dawladnimada, taas oo weli cashar u ah siyaasadda iyo warbaahinta Somaliland.

Abdi Haybe Blog
Ku Xidhnow Abdi-Haybe Blog Hel War Hufan Oo Haybsan.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland: Iftiinkii Xilligii Muuse Biixi iyo Mugdigii Xilligii Madaxweyne Cirro Faalo:By Abdi Haybe Blog


Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland: Iftiinkii Xilligii Muuse Biixi iyo Mugdigii Xilligii Madaxweyne Cirro
Faalo:By Abdi Haybe Blog

Siyaasadda arrimaha dibadda waa muraayadda ay qaranimadu dunida kaga muuqato. Somaliland, inkasta oo aan weli helin ictiraaf buuxa, haddana waxa ay ku guulaysatay sannadihii la soo dhaafay inay dhisto joogitaan diblomaasiyadeed oo la dareemi karo. Xilligii uu talada hayey Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi, siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland waxa lagu sifayn karay mid cad, firfircoon, isla markaana leh jihada ay u socoto.

Intii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi, Somaliland waxa ay si muuqata ugu jirtay khariidadda siyaasadda caalamka. Xidhiidhada ay la yeelatay dalal iyo hay’ado caalami ah, furashada xafiisyo diblomaasiyadeed, iyo ka-qaybgalka shirar caalami ah ayaa dhammaantood muujinayay in Somaliland leedahay aragti cad oo ku saabsan halka ay ka taagan tahay dunida. Xukuumaddaasi waxa ay si joogto ah u adkayn jirtay doodda qaranimada Somaliland, iyada oo farriinteedu ahayd mid la fahmi karo, inkastoo ay jireen caqabado.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweynaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), waxa si isa soo taraysa u muuqata in siyaasaddii arrimaha dibadda ee Somaliland gashay xaalad mugdi ah ama waxa lagu tilmaami karo “god madow”. Ma jiro sawir cad oo ka soo baxaya jihada ay xukuumadda cusub u wado arrimaha dibadda, mana muuqdaan talaabooyin la taaban karo oo muujinaya istaraatiijiyad cad.

Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee walaaca dhaliyay waa aamusnaanta ama gaabiska ku yimid isgaadhsiinta caalamiga ah. Dunidii hore ula socotay mowqifka Somaliland maanta waxay u muuqataa mid aan si buuxda u fahmin siyaasadda cusub ee xukuumadda Madaxweyne Cirro. Tani waxay keentay in miisaankii iyo joogitaankii Somaliland ee fagaarayaasha caalamiga ah hoos u dhacaan.

Sidoo kale, isbeddel la’aanta muuqata ee ku saabsan ololihii ictiraaf raadinta iyo difaaca qadiyadda Somaliland ayaa abuurtay su’aalo badan. Qaran aan lahayn cod cad oo dibadda ah, waxa uu halis ugu jiraa in lagu iloobo ama lagu dhex milmo khilaafaadka iyo danaha dalalka kale.

Arrintani macnaheedu ma aha in xukuumadda Madaxweyne Cirro ay gebi ahaanba ka tanaasusho arrimaha dibadda, balse waxa ay muujinaysaa baahi degdeg ah oo loo qabo in la caddeeyo jihada, lana soo bandhigo aragti la fahmi karo. Siyaasadda arrimaha dibaddu ma aha meel lagu tijaabiyo aamusan ama sugitaan dheer, gaar ahaan qaran aan wali la aqoonsan.

Gunaanad
Xilligii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland waxa ay lahayd muuqaal, cod iyo jihayn cad. Maanta, xilligii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), waxa muuqata mugdi iyo hubanti la’aan u baahan in si degdeg ah wax looga qabto. Haddii Somaliland rabto inay sii jirto masraxa caalamka, waxa lama huraan ah hoggaan diblomaasiyadeed oo firfircoon, istaraatiijiyad cad, iyo farriin dunidu fahmi karto.

Qaran aan lahayn siyaasad dibadeed oo muuqata, waxa halis u ah in qadiyaddiisu gasho god madow.

Faallo: Abdi Haybe Blog

Faalo U Gaar Ah Abdi Haybe Blog 
Ku Xidhnow Abdi Haybe Blog War Huffan Iyo Weedho Togan.

Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa ha...