Welcome To Abdi-Haybe Blog, The Globally Updated News Related To The Geopolitics, Economy, Environmental, Climate Change, Social Development And Humanitarian Research
Thursday, 18 December 2025
Xukuumada Somaliland oo daawade ka ah isbedelka siyaasadeed ee geeska afrika iyo ololaha damaca Xasan Sheekh
Xukuumada Somaliland oo maahnta haysata fursad ay kaga falcelin karto talaabooyinkan cadowtinimada ah ee Xasan Sheekh oo wajahaya duufaanada mucaaradka gudaha iyo culays dibada ah ayaa dadka falanqeeya siyaasada geesku tilmaameen in Somaliland ay lumisay doorkeedii mucaaradnimo ee ka dhanka ah damaca Xasan Sheekh ku doonayo inuu xukunka ku sii haysto doorasho macmal oo uu isku dayayo inay ka qabsoonto Muqdisho iyadoo aaney isku waafaqsanaayn saamilayda Siyaasada Soomaaliya.. taas oo khatar weyn ku ah jiritaanka Somaliland mustaqbalka dhaw, maadaama uu Xasan Sheekh yahay cadowga koowaad ee Somaliland oo dhibta u yar ee uu u gaystay ay tahay barnaamijka E-visa ee uu lacagta kaga urursado qurbo joogta iyo dadka kale ee u soo socdaalaya Somaliland. Sidaas darteed xukuumada Somaliland waa inay cadeyso mowqifkeeda siyaasadeed ee ku wajahan ka hortaga damaca Xasan Sheekh ee ku wajahan dib isu doorashadiisa madaxweyne, intii ay daawade ka noqon lahayd dhaqdhaaqyada kooxaha mucaaradka ee Muqdisho, Kismaanyo iyo Garoowe oo iminka shir uga socdo Kismaanyo..Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa soo jeediyey in xukuumada Somaliland inay qayb qaadato dagaal siyaasadeedka lagu burburinayo damaca Xasan Sheekh ee hirgelinta doorashada macmalka ah iyaga oo xusay in beesha Caalamka iyo Maraykanka culay ku saarayaan Xasan Sheekh iinuu qabto doorasho loo dhan yahay oo ay isku waafaqsan yihiin dhinacyada siyaasada Soomaaliya iiyaga oo cadeeyey in Xasan Sheekh uu meelnna u jihayn kari waayey siyaasada dalka Soomaaliya. waxana ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho gacan ku rimis oo uu qabto Xasan Sheekh.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa ha...
-
Welcome To Abdi Haybe View kusoo Dhawoow Bogga Warka Iyo Waayaha Ee Uu Soo warbixinayo Weriye Waayo Badan Soo Jiray. Waa Cabdi Haybe Waa Wa...
-
E-Visa Scandal: Bribery in Mogadishu Targeting Somaliland and Puntland Travelers By Abdi-Haybe Blogs , Independent Reporter – 14 December 2...
-
Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dawlad ku dhisan nidaam dimuquraadi ah oo qaan-gaadh ah, isla markaana suurtagelisay inay dalkeeda ka qabsoom...
No comments:
Post a Comment