Wednesday, 31 December 2025

Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa hadal ka soo fakaday afkiisa ku sheegay inay cilaaqad la yeelan karaan Somalia iyo Israel mustaqb balse aanu wakhtigan xaadirka ah jirin xidhiidh fiican oo labada dal ka dhexeeyaa.
hadalkan XSM oo ku soo beegmay xilli ay xiisadi ka dhex aloosan tahay Somalia iyo Israel oo iyadu si rasmi ah u ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dad badani ku fasireen in XSM oo danta qaranka ka hormariya dantiisa gaarka uu u ordayo sidii uu Israel ula yeelan lahaa xidhiidh meesha ka saaro kan u dhexeeya Somaliland iyo Israel. islamarkaana ay suurtogal tahay inuu Natalyaahu ku yiraahdo, aniga ayaa idin siinaya saldhig ciidan iyo dhul aad dejisaan Falastiniyiinta Qaza ee ka laabo go'aanka aad ku ictiraaftay dowladda Somaliland. sidii uu hore ba u sameyey xilligii MOU Somaliland iyo Itoobiya. 
XSM ayaa sidoo kale hadalkiisan lagu micneeyey inuu yahay mid ka horimanaya hadaladiisa iyo ficiladiisa ku wajahan difaaca madaxbanaanida iyo qaranimada Somalia.
 

Ururka Jamaacada Carabta, IGAD iyo Midowga Africa iyo Bariga Africa oo qashinka ku daray qaraarkii DFS ee ku saabsan dedefeynta ictiraafka Somaliland

Dowladda Federaalka Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo aan awood iyo sumcad toona ku dhex lahayn ururka Jamaacada Carabta, IGAD, Midowga Afrika iyo bariga Afrika ayaa ku guuldareystay inay meel mar noqdaan qaraar ka dhan ah ictiraafka rasmiga ah ee Somaliland ka heshay dowlada Israel 25kii December 2025. kadib markii ay soo jeedintiisa u arkeen inay tahay dacwad aan iyaga khuseyn oo aaney waxba ka qaban karin, islamarkaana aan mudnayn inay kulamo gaar ah ka yeeshaan. 

Xasan Sheekh Maxamuud oo badhi taar ka helayay dowlado shisheeye ayaa guul u arka in golaha Amaanka ee qaramada midoobay oo kulan gaar ka yeeshay arrinta ictiraafka Israel siiyey Somaliland kadib markii golahiisi aqbal qaraarkii DFS. kaas oo dood adagi ku dhex mareen Dowladdaha Somalia iyo Israel oo iyadu difaaceysay go'aanka ay ku ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland.  
Haseyeeshee, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu weji gabax kala kulmay ururada Jamaacada Carabta, IGAD, Midowga Africa iyo Bariga Africa oo dhamaantood qararkii uu u gudbiyey kudaafada ku daray oo diiday inay kulamo gaar ah ka yeeshaan qararka DFS oo ahaa mid xambaarsana dacwad ka dhan ah go'aanka Israel ku ictiraaftay dowladda Somaliland, kuwaas oo XSM ka filayey inay ugu yaraan cambaareeyaan ayaa ka dhacay arrintaas.
XSM oo hadda ku guda jira safaro uu ku marayo wadamo ay saaxiib yihiin Somalia ayaan ilaa iminka arrinta ka hortaga Ictiraafka Somaliland aan wax garowsasho dhaafsiisan uga  helin madaxda uu la kulam 48 saacadood ee u dambeeyey, taas oo muujinaysa rajo xumada iyo fashilka uu wajahayo XSM oo ah nin lagu sifeeyey musuqmaasuq, qabyaalad, karti daro, hunguri badni, aragti siyaasadeed oo gaaban leh oo jahawareersan.

Tuesday, 30 December 2025

Cumar Cabdirashiid oo sheegay inaan DFS iyo M. Goboleedyada midna ka hadli karin Midnimo iyo dawlad-dhis

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo laba jeer Raysal wasaare ka noqday dalka Somalia ayaa tilmaamay inaan madaxda DFS ka hadli karin midnimo iyo dawlad dhis oo ay siyaasada ku fashilmeen dowlad dhexe ilaa heer maamul goboleed : “Kama hadli karno midnimo iyo dawlad-dhis haddii aan sii wadno Isla xisaabtan la’aanta, ha ahaato Federaalka iyo Dawlad Goboleedyadaba...nidaamka maamul ee hadda jira waa in la saxo, haddii kale dalkani wuxuu ahaan doonaa mid jilicsan oo kala daadsan, mar walbana u nugul farogelin shisheeye.”

Socdaalka Wefti Dhulbahante ee Ceerigaabo ayaa fariin cad u diraya bulshada gudaha iyo dibada oo ah geedi socodka nabadda iyo wada hadalka

Xubno isugu jira Wasiiro, Agaasimayaal, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin madaxbanaan oo ka soo jeeda beesha Naaleeye Axmed ee qabiilka Dhulbahante ayaa horaantii todobaadkan booqday magaalada Ceerigaabo kaddib shaqaaqooyinkii ka dhacay dabayaaqadii 2024kii. 
Socdaalkan ayaa loo arkaa mid muujiya midho dhalka iyo horumarka ka soo baxay shirkii gogosha nabadda ee Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ka hirgeliyey Ceerigaabo dhawaan, kaas oo ujeedadiisu ahayd dub u heshiisiin, xasilooni iyo wada noolaasho ka dhex abuurida beelaha ku dhaqan gobolka Sanaag. 
Xubnahan ka soo jeeda qabiilka Dhulbahante waxay qayb ka ahaa wefti balaadhan oo ka socd socday xukuumada Somaliland, kuwaas oo magaalads Ceerigaabo kaga qaybgalay munaasibad heer qaran ah. Booqashadan ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah, maadama ay timi kaddib muddo ay jireen xiisado amni iyo kala shaki siyaasadeed. 
Masuuliyiinta iyo waxgaradka kale ee ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa si diiran u soo dhaweeyey weftigan, iyaga oo muujiyey rajo ah in talaabadani horseedi doonto is faham waara, nabadgelyo, iyo wada shaqeyn dhex marta dhamaan beelaha walaalaha ah ee dega gobolka Sanaag. 
Ugu danbayn socdaalkan ayaa fariin cad u diraya bulshada gudaha iyo dibada, taas oo ah in geedi socodka nabadda iyo wada hadalka ay yihiin jidka kaliya ee lagu gaadhi karo xasilooni siyaasadeed iyo mid bulsho oo waara.
Xubnaha wefigaas ayaa kala ah, Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka iyo jidadka Somaliland Maxamed Cabdi Maalik, Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Mr. Jiidhe, Taliyaha xabsiga dhexe ee Ceerigaabo Corn. Maxamuud Olol Jaamac, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Naalleeye Axmed Sheekh iyo siyaasi, Axmed Warsame Iidle .(Dr.Axmed Nuur)

Sunday, 28 December 2025

XSM oo ah aabaha musuqmaasuqa waxba kama beli karo go'aanka israaail ku ictiraaftay Jamhuuriyada Somaliland 25 Dec 2025

Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dawlad ku dhisan nidaam dimuquraadi ah oo qaan-gaadh ah, isla markaana suurtagelisay inay dalkeeda ka qabsoomaan doorashooyin qof iyo cod ah,  ayaa u dhaqaaqday aqoonsi caalami ah oo ay dadaal badan kadib xaqiijisay 25-ka December 2025, ka dib markii Israel ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland.  
Dowladda Somaliland oo jecel horumarka Somalia ayaa u adkaysan wayday faro-gelinta qaawan ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku hayso siyaasadda gudaha iyo dibadda ee Somaliland, taas oo keentay inay hesho ictiraaf Caalami ah oo beelaayo xijaab uga noqda Sharka xukuumada taagta daran ee Muqdisho. 
Hoggaamiyaha DDS Xasan Sheekh ayaa aad uga cadhooday go'aanka dowlada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo hilmaansan inuu dhibaato ku hayo Somaliland dhawrkii sano ee la soo dhaafay. iyada oo Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu sifeeyey in uu yahay qof Musuq-maasuq ah,  hunguri-xun, karti-daran,  aragti-siyaasadeed oo gaaban leh isla markaana jahawareersan.


Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu galay dembiyo waaweyn sida inuu ku tagri falay awoodii dowlada iyo inuu laalay distoorkii sharciga ah ee dalka Somalia iyo weliba dembiyo kale, sida 

- in uu burburiyo midnimada ummadda Soomaaliyeed oo uu caasimadda Muqdisho ka sheegtay dadka Soomaaliyeed.
-in uu burburiyey awoodii Ciidanka XDS 
-in uu iibiyey dhulkii qabuuraha Afisyooni, lana soo saaro lafaha dadkii lagu xabaalay halkaas iyo dhismayaal ahaa dugsiyo ay carruurtu wax ku baranayeen,
-inuu  Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhigtey NGO, isaga iyo qoyskiisa oo kaliya ay wax xadi karaan. 
iyo deeqihii beesha caalamka iyo dawladaha shisheeye Soomaaliya ka caawiyeen  guud ahaan, inuu jeebka gashaday.

Qareenka Abdinaasiir oo XSM ku tilmaamay inuu yahay qof Hunguri xun, musuqmaasuq, aragti siyaasadeed oo gaaban leh, karti daran

Qareenka caanka ah ee Soomaaliyeed ee reer Kenya Axmed-Nasir Cabdullahi ayaa XSM ku eedeyey inuu yahay xudunta iyo asalka dhibaatooyinka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay qof musuqmaasuq ah, hunguri xumo, karti daran aragti siyaasadeed oo gaaban leh isla markaana jahawareersan. 


Qareen Ahmednaasir ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X waxa uu si  xun ugu weeraray siyaasada hogaamiye  Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuu na ku dooday in marka dal uusan lahayn hoggaan dhab ah ama uu hoggaamiyo qof dan-ganacsi oo yar wata, uu dalkaa noqdo mid la cunayo oo la dhibaateeyo.
Qareenka caalamiga ah ee Cabdi-Naasir ayaa marar kasta bulshada Soomaaliyeed u iftiimiya dhaliilaha siyaasadeed iyo musuqmaasuqa hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda oodaha jabsaday 

Maxaa sababey kor u kaca dabka guryaha suuqa hoose ee Ceerigaabo?

labadii bilood ee dambaysay waxa kor u kacay tirada guryaha la gubayo ee suuqa heese ee magaalada Ceerigaabo iyada oo aan hal qof ilaa hadda boolisku xidhin xataa mushkiladaa dadka ka dambeeya oo la ogyahay kuwa ay yihiin.
Aafadan ugubka ku ah dhaqanka dadka reer Somaliland in guri laga qaxay dab la qabadsiiyo ayaa la mooda inay ls socotay badhasaabka cusub Maxamuud Raage oo ka amar qaata Buurmadow.. Mayd ma maxa u dambeyey baa la yiri kaa la sii sido. maanta laba guri oo Warsangeli leeyahay ayaa la gubay iyada oo ay halkaas ku sugan yihiin wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo u tegay dabaaldega aqoonsiga Somaliland.
Xukuumada Somaliland oo juhdi badan gelisay nabadgelyada Ceerigaabo waxay ku tahay fadeexad inay daawato guryaha shscabka ee dabku ku socdo ..halkii laga rabay inay sugto badqabka aqaladaas ay dadkii lahaa xooga kaga qaxiday magaalada Ceerigaabo dabayaaqadii sanadkii hore 2024kii..
Ciidanka booliska Gobolka Sanaag iyo Ceerigaabo waxa laga rabaa inay ka hortagaan falalka bahalnimada ah ee kooxaha cunsuriyiinta ah ku gubayaan guryaha suuqa hoose ee Ceerigaabo 

Saturday, 27 December 2025

"Cirro Balantii Midnomo ee aanu lahay wuu igaga baxay " Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxeynaha Somalia Xassan Sheikh ayaa kulan uu la yeeshay Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka ee ka soo jeeda Somaliland ka jeediyey hadal calaan ah inay Madaxweyn Cirro balan Midnimo lahaayeen oo uu uga baxay! 

XSM oo ah cunsuri dadka Soomaaliyeed ka sheegta Muqdisho ayaa Xildhibaanada u soo bandhigay inay la yimaadaan aragti midaysan oo 35 sano midnimo ay midnimo ku joogeen loo baahan yahay xal ka duwan ugu keenaan muddo todobaad gudahiis ah.

Kulankaas oo laga hadlay qadiyada Isr|L ee aqoonsiga Somaliland ayaa XSM madashii ka sheegay in Cabdiraxmaan Ciro wada hadalo ay yeeshaan u balan-qaaday in Midnimo & Soomaali isku keenaan, oo uu iska xalinayo mushkilado kooban, uuna ka dib ka war helay arrinta shalay dhacday, taas oo uu sheegay in ay Khiyaano Qaran ahayd.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu Somaliland kala shaqeynayay sidii maxaabiista Laascaanood kaga xiran u heli lahaayeen xoriyadooda oo laysku dhaafsan lahaa, oo ay meel wanaagsan u maraysay.


Eyda Villa Wardhiiglay ha iska ciyaan, geediga Somaliland wuu soconayaa..

Madaxda Dowlada Federaalka Somalia oo beryan dambe u muuqatay inay ku mashquulsanaayeen boobka hantida qaranka iyo dhulka danta guud gaar ahaan xarumihii dowlada ee adeegyada bulshada ee ku yaalla Muqdisho kadib markii ay waayeen dhaqaalihii iyo caawimooyinkii ay ka heli jireen Maraykanka iyo Beesha Caalamka oo gebi ahaanba joogsaday dhawaan ayaa shalay cariiskii Villa Wardhiiglay ku dumay kadib markii dowlada Israel ay ku dhawaaqday inay si rasmi ah u ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland oo naqday dal madax-bannaan.
Madaxda Dowlada taagta daran ee Muqdisho oo afartankii sano ee loo rahmanaa dhinacna dhaafi wayday villa Wardhiiglay ayaan qalbi jabkii ku dhacay awgiis ilaa hadda cadeyn kari la"a  mowqifkooda siyaasadeed ee ku wajahan go'aanka dowlada Israel ay ku aqoonsatay madaxbanaanida Somaliland inay tahay dowlada xor ah oo gaar u taagan, taas oo meesha ka saartay sheegashii DFS ee ahayd inay Somaliland tahay qayb ka mid dhul weynaha Soomaaliya. 
inkata oo cambaaraynta Dowlada Federaalka Somalia iyo urur goboleedyada kale ay u soo jeediyeen Dowlada Israel uusan waxba ka bedeli karin mowqifka  Israel ee ku wajahan ictiraafka Somaliland, haddana sida muuqata kooxda xaraash qaran ee Xasan Sheekh waxa durba bilaabeen borobogaandho afka ah oo rabaan inay ku wiiqaan go'aanka dowlada Israel iyaga oo adeegsanaya warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho oo qaarkood 24 saac ee u dambeyey baahiyeen warar been abuur iyo dacaayad ah oo la rabo in laga dhaadhiciyo bulshada Soomaaliyeed wax aan jirin iyo huuhaa, kuwaas oo sheegaya in dad u badan caruur iyo dumar reer Falastiin la rabo in xoog lagaga  soo rarayo dhulkooda oo la soo degiyo Somaliland iyo in Israel  laga siinayo gudaha Somaliland saldhig ciidan oo ay kaga duusho Xuutiyiinta Yeman si ay u burburiso awoodooda ciidan, kuwaas oo ah mala'awaal iyo gacan ku rismis aan wadan wax cadeymo rasmi ah habayaratee. Nin Daad qaaday xumbo cuskay.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa mudan in lagu bogaadiyo ictiraafka ay ka heshay Israel oo ah mid ku yimi dadaal dheer iyo juhdi ay geliyey madaxda dalku, balse aan si sahal ah isaga iman
Eydu ha cido geediguna wuu soconayaa
Eygu ha iska ciyo, geediguna horuu u soconayaa"

Madaxweyne Cirro waxuu nasiib u yeeshay ..

Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa ha...