Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Baadhista iyo Qiimeynta dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay Gobolka Awdal, kaas oo la wareegi doona shaqadii hay’adaha ay khusayso hawsha baadhistu.
Guddidan oo ka kooban 21 xubnood ayaa loo xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan duruufaha, sababaha iyo saamaynta dhacdooyinkii amni iyo mudaharaadyadii ka dhacay gobolka Awdal horaantii bishan, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista guddidan ayaa dhalisay falcelin kala duwan. Qaar ka mid ah bulshada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid lagu doonayo in lagu qariyo ama lagu yareeyo masuuliyadda ka dhalatay khasaarihii la sheegay in ciidamada Somaliland u geysteen dad shacab ah oo mudaharaadayay.
Dhinaca kale, dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa sidoo kale xusay in Madaxweyne Cirro hore u magacaabay Guddida Nabadda Heer Qaran, kuwaas oo la sheegay inay si toos ah ula wareegeen shaqooyin horey u hoos iman jiray Golaha Guurtida Somaliland, gaar ahaan hawlaha nabadeynta, xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee bulshada.
Arrintan ayaa sii xoojisay doodda ku saabsan isku-dhaca hay’adaha qaranka, kaalinta Golaha Guurtida, iyo jihada ay xukuumadda cusub u wajahday maaraynta arrimaha amniga iyo nabadgelyada dalka.
Ilaa hadda, xukuumaddu kama bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sida guddidan cusub ay ula shaqayn doonto hay’adaha kale ee dastuuriga ah, ama muddada ay qaadanayso soo saarista natiijada baadhista.
No comments:
Post a Comment