Sunday, 28 December 2025

XSM oo ah aabaha musuqmaasuqa waxba kama beli karo go'aanka israaail ku ictiraaftay Jamhuuriyada Somaliland 25 Dec 2025

Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dawlad ku dhisan nidaam dimuquraadi ah oo qaan-gaadh ah, isla markaana suurtagelisay inay dalkeeda ka qabsoomaan doorashooyin qof iyo cod ah,  ayaa u dhaqaaqday aqoonsi caalami ah oo ay dadaal badan kadib xaqiijisay 25-ka December 2025, ka dib markii Israel ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland.  
Dowladda Somaliland oo jecel horumarka Somalia ayaa u adkaysan wayday faro-gelinta qaawan ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku hayso siyaasadda gudaha iyo dibadda ee Somaliland, taas oo keentay inay hesho ictiraaf Caalami ah oo beelaayo xijaab uga noqda Sharka xukuumada taagta daran ee Muqdisho. 
Hoggaamiyaha DDS Xasan Sheekh ayaa aad uga cadhooday go'aanka dowlada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo hilmaansan inuu dhibaato ku hayo Somaliland dhawrkii sano ee la soo dhaafay. iyada oo Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu sifeeyey in uu yahay qof Musuq-maasuq ah,  hunguri-xun, karti-daran,  aragti-siyaasadeed oo gaaban leh isla markaana jahawareersan.


Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu galay dembiyo waaweyn sida inuu ku tagri falay awoodii dowlada iyo inuu laalay distoorkii sharciga ah ee dalka Somalia iyo weliba dembiyo kale, sida 

- in uu burburiyo midnimada ummadda Soomaaliyeed oo uu caasimadda Muqdisho ka sheegtay dadka Soomaaliyeed.
-in uu burburiyey awoodii Ciidanka XDS 
-in uu iibiyey dhulkii qabuuraha Afisyooni, lana soo saaro lafaha dadkii lagu xabaalay halkaas iyo dhismayaal ahaa dugsiyo ay carruurtu wax ku baranayeen,
-inuu  Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhigtey NGO, isaga iyo qoyskiisa oo kaliya ay wax xadi karaan. 
iyo deeqihii beesha caalamka iyo dawladaha shisheeye Soomaaliya ka caawiyeen  guud ahaan, inuu jeebka gashaday.

No comments:

Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa ha...