Sunday, 11 January 2026

XSM oo looga dhigay in uu sharka AS-ta Koonfurta u soo xawilo Laascaanood

Qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Dhulbahante ayaa digniin hor dhac ah u jeediyey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud in dhulkooda loo soo xawili karin kooxaha argagixisada As oo ka soo raro koonfurta Soomaaliya si uu ugu jiheeyo dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland. 

Garaadada Gobolada Sool iyo Cayn oo sida la sheegayo maanta khadka tilifoonka kula xidhiidhay Xasan Sheekh Maxamuud oo jooga Muqdisho, balse khamiista 15ka bishan ku soo wajahan magaalada Laascaanood inuu u yimaado  caleemasaarka hoggaamiyaha WB Mr Firdhiye ayaa talo ugu jeediyey in aanu difaaca midnimada Soomaaliyeed u adeegsan argagixisada As oo uu ku  balaariyo guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan Gobolada ay nabadgeliyada ka jirto.
Waxa kale oo Garaadadu u sheegeen XSM in aysan aqbali doonin qorshe guracan oo abuuri kara colaad sokeeye oo dhex marta maamulkooda waqooyi bari iyo Somaliland iyo weli Puntland. kuwaas oo ay tilmaameen inay yihiin deris uu ka dhexeeyo dhaqan iyo waxyaabo kale oo badan, balse aanu wanaagsanayn xidhiidhkoodu iminka. 

Sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola siyaasada Garaadada waqooyi bari waxay shaqsiyada XSM ku sifeeyeen inuu laba wejiyiile, khaa'in iyo axdi laawe aan balan iyo run toon aqoon habayaratee. iyaga oo  ujeedada booqashadiisa Laascaanood ku micneeyey inay tahay "Dan baa tidhi" iyo ha lsygu taageero dagaalka aan kula jiro ictiraafka Somaliland, kuwaas oo aanu wax dan ah ugu jirin maamulka WB.

Garaadada Dhulbahante gaar ahaan kuwa ka madaxbanaan siyaasiyiinta  Timo cade iyo Ina Qowdhan  oo u badan aqoonyahano si dhow ula socda xaalada cusub ee siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo dublamaasiyadeed ee uu galay dalka Somalia ayaa gambadh dheer ugu sii fadhistay  Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka war sugaya safarkiisa waxyaabaha uu la shir iman doono Laascaanood,si ay marka hore u qiimeeeyaan muga faa'ido iyo khasaare, saamayn togon iyo taban uu mustaqbalka ku yeelan karo maamulkooda curdinka ah ee Waqooyi bari. 
War jiraaba Cakaaruu iman ...

No comments: