Xasan Sheekh Maxamuud oo badhi taar ka helayay dowlado shisheeye ayaa guul u arka in golaha Amaanka ee qaramada midoobay oo kulan gaar ka yeeshay arrinta ictiraafka Israel siiyey Somaliland kadib markii golahiisi aqbal qaraarkii DFS. kaas oo dood adagi ku dhex mareen Dowladdaha Somalia iyo Israel oo iyadu difaaceysay go'aanka ay ku ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland.
Haseyeeshee, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu weji gabax kala kulmay ururada Jamaacada Carabta, IGAD, Midowga Africa iyo Bariga Africa oo dhamaantood qararkii uu u gudbiyey kudaafada ku daray oo diiday inay kulamo gaar ah ka yeeshaan qararka DFS oo ahaa mid xambaarsana dacwad ka dhan ah go'aanka Israel ku ictiraaftay dowladda Somaliland, kuwaas oo XSM ka filayey inay ugu yaraan cambaareeyaan ayaa ka dhacay arrintaas.
XSM oo hadda ku guda jira safaro uu ku marayo wadamo ay saaxiib yihiin Somalia ayaan ilaa iminka arrinta ka hortaga Ictiraafka Somaliland aan wax garowsasho dhaafsiisan uga helin madaxda uu la kulam 48 saacadood ee u dambeeyey, taas oo muujinaysa rajo xumada iyo fashilka uu wajahayo XSM oo ah nin lagu sifeeyey musuqmaasuq, qabyaalad, karti daro, hunguri badni, aragti siyaasadeed oo gaaban leh oo jahawareersan.
No comments:
Post a Comment