Wednesday, 25 March 2026

Robert " Dagaalka Iran ma aha ciidan oo keliya waa weerar dhaqaale..:

Robert Toru Kiyosaki oo ah ganacsade iyo qoraa caan ah oo dad badan ay ku aqoonsadaan buugga uu qoray ee "Rich Dad" : Poor Dad" ayaa dagaalka Iran ku tilmaamay inuu yahay weerarkii dhaqaale ee ugu xeelada badnaa ee lagu qaado qaab dhismeedka maaliyadeed ee Maraykanka tan iyo cunaqabatayntii shidaalka 1973kii. 

Robert waxa uu soo bandhigay warbixin ku saabsan, sababta ay Iiraan u weerarrayso Imaaraadka Carabta in ka badan Israa’iil, isaga oo dagaalka Iran ku micneyey mid aan ciidan keliya ku koobnayn balse weerar dhaqaale burburin ah.

Wuxuuna Warbixintiisa ku yiri; 

"Iiraan waxay Imaaraadka Carabta u weerartay wax ka badan intii ay Israa’iil weerartay. Imaaraadku hal gantaal oo keliya kuma ridin Iiraan. Midna ma ridin" 

Imaaraadku si cad ayuu u mamnuucay in dhulkiisa iyo hawadiisa loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iiraan. Xitaa sannado badan waxay Tehraan la lahaayeen isfaham diblomaasiyadeed oo deggan oo hoose u socday. Laakiin haddana Iiraan waxay si ka xoog badan u weerartay Imaaraadka intii ay Israa’iil weerartay.
Markii dagaalku gaaray maalintii 13-aad, Iiraan waxay Imaaraadka keliya ku gantay 314 gantaal oo ballistic ah, 15 gantaal oo cruise ah, iyo 1,672 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.

Wax ka badan kala bar dhammaan gantaallada iyo diyaaradaha ay Iiraan ku weerartay dalalka Khaliijka waxay ku beegsatay Imaaraadka. Wadarta guud waxay dhaaftay 3,000 gantaal iyo diyaaradaha Ana duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu beegsaday dal aan wax door ah ku lahayn bilowga dagaalkan.

Maxay sidaas u samaysay?

Jawaabtu ma aha mid ciidan.

Waa arrin dhaqaale.

Markaad taas fahamto, dagaalkan oo dhan si kale ayaad u arki doontaa.

Haddaba, maxay Iiraan dhab ahaantii u beegsanaysaa?

Bishii May 2025, Madaxweyne Trump wuxuu booqday dalalka Khaliijka safar noqday kii dhaqaale ahaan ugu saameynta badnaa ee madaxweyne Maraykan ahi sameeyo xilligan casriga ah.

•Sacuudiga,600 bilyan oo doollar ayay u ballanqaadday Mareykanka.

•Qatar, waxay la gaartay Mareykanka heshiis dhaqaale oo gaaraya 1.2 tirilyan oo doollar 

•Imaaraadka, wuxuu sidoo la gaaray Mareykanka heshiis qorshe maalgashi oo 10 sano ah oo gaaraya 1.4 tirilyan oo doollar , iyadoo heshiisyadan ay diiradda saarayaan horumarinta barnaamijyada AI-da, tiknoolajiyada sare, semiconductor-ka, tamarta iyo wax-soo-saarka.

Wadarta guud, dalalka khaliijka waxay Trump siiyeen heshiisyo gaaraya in ka badan 2 tirilyan oo doollar oo maalgashi Khaliijku ku sameynayo Mareykanka.

Ballanqaadka 1.4 tirilyan ee Imaaraadka keliya wuxuu la egyahay ku dhowaad 30% wax-soo-saarka guud ee dhaqaalaha Abu Dhabi.Taasi waxay ka dhigan tahay dal mustaqbalkiisa dhaqaale si weyn ugu xiraya Mareykanka.

Trump wuxuu sidoo kale oggolaaday in Imaaraadka sannad kasta la siiyo 500,000 oo ka mid ah chip-yada AI-da ee ugu horumarsan shirkadda Nvidia.

Microsoft waxay ballanqaadday 15 bilyan oo doollar.

Amazon, Google iyo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyada Mareykanka dhammaantood waxay dhisayeen xarumo xogeed oo ku yaalla Dubai iyo Abu Dhabi.

Imaaraadku ma ahayn oo keliya dal shidaal leh,wuxuu isu beddelayay caasimadda AI-ga ee Bariga Dhexe.

Wuxuu noqday xarun dhaqaale oo isku xiraysa Bariga iyo Galbeedka. Wuxuu noqday tusaalaha dhaqaalaha casriga ah ee Carabta. Qaab-dhismeedkaas oo dhanna waxaa si buuxda loogu dhisay iskaashi Mareykan.

Maamulaha guud ee ADNOC oo ah shirkadda shidaalka qaranka Abu Dhabi, wuxuu weerarrada ay Iiraan ku qaaday kaabayaasha tamarta Imaaraadka ku tilmaamay “dagaal dhaqaale oo caalami ah.” Ma uusan oran dagaal ciidan. Wuxuu yiri dagaal dhaqaale.

Iiraan waxay beegsatay warshadda sifeynta shidaalka ee Ruwais, taas oo ah tan ugu weyn Bariga Dhexe.
Waxay beegsatay dekedda Jebel Ali, oo ah halbowlaha ganacsi ee u adeegta saddex bilyan oo qof oo ku nool aag dhan 3,500 kiiloomitir.

Waxay beegsatay garoonka diyaaradaha Dubai International Airport, oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida.

Waxay garaacday xarun xogeed oo Amazon leedahay, taas oo carqalad gelisay adeegyada cloud-ka ee gobolka.

Kuwaas ma aha bartilmaameedyo ciidan.Waa kaabayaasha dhaqaale ee heshiiska Mareykanka iyo Imaaraadka ee gaarayay 1.4 tirilyan oo doollar.

Haddaba, tani waa falanqayntayda anigoo ah qof bartay sida lacagta iyo awooddu u shaqeeyaan muddo 50 sano ah.

Iiraan ciidan ahaan kama adkaan karto Mareykanka. Taasi xitaa dood kama taagna.

Laakiin Iiraan waxay fahamsan tahay wax aan dad badani garanayn.

Hubka ugu awoodda badan dunida ma aha gantaal.
Waa burburinta dhaqaale.

Istaraatiijiyadda Iiraan waa mid aad u adag, laakiin si xeel dheer loo dhisay.

Imaaraadku waa meesha ay lacagtu taallo.Waa meesha ay shirkadaha tiknoolajiyada Mareykanku ka dhisteen xarumahooda Khaliijka. Waa meesha lagu horumarinayo kaabayaasha AI-ga Mareykanka.

Waa meesha ay ahayd in uu ku qulqulo ballanqaadka 1.4 tirilyan.
Markaa , waxay Iiraan qaadatay istaraatijiyad ah burburi meeshaas.Ka dhig meel aysan xasillooni ka jirin
Ka dhig meel aan maalgelin lagu sameyn karin.

Ka dhig agaasime kasta oo shirkad weyn oo Silicon Valley ah inuu is weydiiyo, runtii ma ku habboon tahay in xarumaheena xogta laga dhiso goob dagaal?

Haddii taas lagu guuleysto, heshiiska 1.4 tirilyan wuu burburayaa.

Shirkadaha tiknoolajiyada Mareykanka way baxayaan.

Qaabkii Imaaraadka wuu fashilmayaa.

Farriinta loo dirayo dal kasta oo Carbeed oo ka fikiraya iskaashi qoto dheer oo uu la yeesho Mareykanka waxay noqonaysaa: bal eega wixii ku dhacay Dubai.
Taasi waa bartilmaameedka.

Ma aha Israa’iil.
Ma aha askarta Mareykanka.
Waa qaab-dhismeedka dhaqaale ee isku xiraya Mareykanka iyo Khaliijka.

Aabbahaygii taajirka ahaa wuxuu i baray cashar aad muhiim u ah oo ku saabsan dagaalka iyo ganacsiga.
Wuxuu yiri: “Cadowgaaga ha kula dagaallamin meesha uu ku xooggan yahay. Ku weerar meesha uu ka nugul yahay.”

Ciidanka Mareykanka waa mid aad u xoog badan. Iiraan taas way ogtahay.

Laakiin dhaqaalaha Mareykanka? Qiimaha shidaalka? Suuqa saamiyada? Iskaashiyada tiknoolajiyada?
Kuwaas waa meelaha nugul.

Imaaraadkuna, maadaama uu yahay lammaanaha dhaqaale ee ugu degdegga badan ee Mareykanka ku leeyahay gobolka, isla markaana uu yahay tiirka qorshaha maalgashi ee 2 tirilyan ee Khaliijka, waa meesha ay Iiraan ka heshay daldalooladaas.

Ciidanka ilaalada kacaanka (IRGC)lafteedu way xaqiijisay tan markii ay sheegeen in 60% awoodooda weerar ay u adeegsadeen danaha istaraatiijiga ah ee Mareykanka ku leeyahay dalalka Carabta ee deriska ah.

Ma aysan oran saldhigyo ciidan.Waxay yiraahdeen danaha istaraatiijiga ah.

Dagaalka Iiraan ma aha oo keliya dagaal ciidan.
Waa weerarkii dhaqaale ee ugu xeeladda badnaa ee lagu qaado qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Mareykanka tan iyo cunaqabatayntii shidaalka ee 1973.
Hadda, taas micnaheedu ma aha in iskaashiyadu si fudud u burburayaan ama kalsoonidu si degdeg ah u dhammaanayso.
Arrintu sidaas uma sahla.
Laakiin tani waa istaraatiijiyadda Iiraan, waana sida ay dagaalkan dib ugu qeexayso una wajahaysay".

No comments:

"Hoggaamiyihii Dhiirrannaa" Suldaan Maxamuud Cali-Shire (1876-1960)

HORDHAC BUUGGA "Hogaamiyihii Dhiirrannaa" Suldaankii guud ee Salaadiinta Soomaaliyeed Suldaan Maxamed Cali-Shire (1876...