Wednesday, 25 March 2026

Wershada sibidhka Berbera: Tiir muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha Somaliland



Wershada sibidhka ee laga horgelinayey Berbera ayaa ah mashruuc houmarineed oo muhiim ah kaas oo hadda maraya heer gebogebo ah iyadoo la fioayo inay si rasmi ah u bilowdo hawlgalkeeda mustaqbalka dhow. Dhismaha Wershaddan ayaa si rasmi ah u bilaabmay dabayaaqadii sanadkii 2022kii. 

Mashruucan weyn waxa maalgeliyay shirkado ganacsi oo maxalli kuwaas oo uu hormuud u yahay MSG GROUP. Shirkadan ayaa heshiis la gashay shirkad Talyaani ah oo la yiraahdo Bedeschi SPA ,taas oo door muhiim ah ka qaadatey hirgelinta iyo dhismaha wershadan. 

Wershaddan ayaa la filayaa inay soo saarto sibidh tayo sare leh, taas oo si weyn u yareyn doonta ku tiirsanaanta sibidhka dibada laga keeno, Tani waxay kor u qaadaysa isku tiirsanaanta gudaha, islamarkaana xoojinaysa madax bannaanida dhaqaalaha ee Somaliland. 

Dhinaca kale, wershada sibidhka Berbera waxay door muhiim ah ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha magaalada Berbera, intii uu socday dhismaha mashruucu waxa shaqo abuur loo sameeyey boqolaal qof oo ka soo jeeda deegaanka, taas oo sare u qaadday heerka nolosha bulshada.

Mustaqbalka dhow waxa la rajeynayaa in wershadani ay Somaliland ka dhigto mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee sibidhka u dhoofiya Bariga Afrika, taas oo sare u qaadaysa kaalinta ay kaga jirto ganacsiga gobolka

No comments:

"Hoggaamiyihii Dhiirrannaa" Suldaan Maxamuud Cali-Shire (1876-1960)

HORDHAC BUUGGA "Hogaamiyihii Dhiirrannaa" Suldaankii guud ee Salaadiinta Soomaaliyeed Suldaan Maxamed Cali-Shire (1876...