XSM oo ah siyaasi ka aradan anshaxa luqada dublamaasiyada ayaa rajo xumo iyo niyad jab ku dhacay awgood miicin bidaya inuu adeegsado weedh ah inuu Israail siyaasiyan ka adkaan doono dhawaan oo haysto taageerada dowlado shisheeyo. waxana uu tilmaamay in madaxda dowlada Somaliland yihiin koox yar oo xagjir oo ka rajo beeshay inay Soomaaliya ka go'aan. kuwaas oo uu sheegay inay Israaal u gacan haadiyeen si ay u ictiraafto Somaliland. Xasan Sheekh isaga oo isku dayeyay inuu xaqiiqada dhabta ah qariyo oo been cad ka dhaadhiciyo bulshadiisa waxa uu ilaa maanta is diidsiinay in Israaal ay si rasmi ah u ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay in DFS geed gaaban iyo mid dheerba u fulayso sidii ay Somaliland uga hor istaagi lahayd ictiraaftkaas. isaga oo xusay in arrintaas kala shaqeynayaan Dowlado ay saaxiibo yihiin Soomaaliya.
Kooxda xaraash qaran oo todobaadkii la soo dhaafay hadalo xanafleh isu marinaysay warbaahinta Muqdisho ayaa XSM u soo jeediyey inay xaalada dejiyaan oo ay isu tanaasulaan wixii khilaaf iyo madmadow soo dhex galay meesha laga saaro si ay dalka uga difaacaan cadowga ku soo duulay.
Mudane Xasan Sheekh oo dad badani ku tilmaameen inuu yahay shaqsi musuqmaasuqa ah, go'aan jilicsan, kana aradan aqoonta siyaasada oo jahawareersan ayaa mustaqbalka jiilasha dambe waxay ceebtiisa ka dheehan doonan diiwaanka kaydka taariikhda Soomaalida in nin Xasan Sheekh la odhan jiray uu dalka madaxweyne ka ahaa markii Israaal ay sida rasmiga ah u ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland
" Falaadhi gilgilasho kaagama hadho..."
No comments:
Post a Comment