Wednesday, 17 December 2025

Warbixin Gaara: Fadeexad E-Visa — Laaluushka Xamar ka Socda oo Si Gaar ah Loola Beegsaday Dadka Somaliland iyo Puntland

Warbixin Gaara: Fadeexad E-Visa — Laaluushka Xamar ka Socda oo Si Gaar ah Loola Beegsaday Dadka Somaliland iyo Puntland
By: Abdi-Haybe Blogs, Weriye Madax Bannaan – 14 December 2025
Nidaamkii fiisaha elektarooniga ah (E-Visa) ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u joojiyay shaqadiisii tooska ahayd, kadib markii la sheegay in nidaamkii hore la jabsaday, isla markaana lagu beddelay hab gacanta lagu maamulo oo musuqmaasuq iyo laaluush ku fiday.

Warbixino uu helay Abdi-Haybe Blogs ayaa muujinaya in arrintani si weyn u saamaysay bulshada Soomaaliyeed iyo dadka ajaanibta ah ee dunida dacalladeeda ku kala nool, kuwaas oo isku dayay inay helaan fiisaha Soomaaliya. Dadkaas oo ku kala nool Europe, North America, Asia, iyo Africa, ayaa sheegay in hadda la adeegsado nidaam aan rasmi ahayn, halkaas oo lagu farayo in la buuxiyo form gacanta ah, lacagta lagu bixiyo si toos ah, balse fiisaha lama helo ilaa la bixiyo laaluush xaaraan ah.

Waxaa la xaqiijiyey in laaluushkan si gaar ah loogu beegsaday dadka u socda gudaha Somaliland iyo Puntland, iyadoo nidaamka E-Visa ee Muqdisho horeba uu u ahaa xadgudub sharci iyo mid siyaasadeed oo lagula kacay bulshada u safarta Somaliland. Nidaamkan, oo markii hore loogu talagalay fududaynta fiisaha Soomaaliya, ayaa hadda isu beddelay qaab dhaqaale gurracan oo ay maamulka Muqdisho ka helaan dakhli shakhsi ah. Shaqaalaha ku shaqada leh nidaamka E-Visa ee Muqdisho ayaa noqday kuwo laaluushka uga dhigtay il nololeed joogto ah, iyagoo si toos ah uga gurnaya dadka muwaadiniinta ah ee doonaya in ay tagaan Somaliland ama Puntland.

Dad badan oo ka soo jeeda labada dhinac ayaa xaqiijiyey in marka ay codsadaan fiisaha, lagu wargeliyo in ay bixiyaan lacag “gaar ah” si loogu soo diro fiisahooda WhatsApp ama email, arrintaas oo muujinaysa heerka hoose ee cadaaladda iyo hufnaanta nidaamka. Mid ka mid ah dadka la hadlay Abdi-Haybe Blogs ayaa yidhi:
Evisaha Soomaaliya hore ayuu u ahaa mid aan sharci ahaan ku habboonayn dadka u socda Somaliland, balse hadda wuxuu isu beddelay nidaam lagu xasuuqayo dhaqaale ahaan. Shaqaalaha maamulka Muqdisho ee evisaha gacanta ku haya waxay si toos ah u dalbanayaan lacag dheeraad ah si ay fiisaha kuu soo diraan.

Eng. Cabdulkadir Maxamuud Sugaal, oo ah khabiir reer Somaliland ah oo si weyn ugu takhasusay tiknoolajiyada iyo xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan nidaamyada dijitaalka iyo amniga macluumaadka, ayaa sheegay in arrintani tahay “fadeexad aan la dafiri karin.”

Wuxuu xusay in xaaladdani si toos ah u saamaysay eheladiisa ku nool North America iyo Europe, kuwaas oo la kulmay isla xaaladdan murugada leh ee laaluushka xaaraanta ah ee lagu qaadanayo fiisaha Soomaaliya.

Qof kasta oo doonaya fiisaha waa in uu bixiyo lacag rasmiga ah, balse marka lacag kale si toos ah loogu dhiibo shaqaalaha evisa, waa laaluush xaaraan ah oo sumcad xumo ku ah dalka iyo nidaamkiisa,” ayuu yidhi. Eng. Sugaal.

Eng. Sugaal wuxuu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si cad u bayaamiso siyaasad rasmi ah oo lagaga hortegayo dulmiga, daydayga, iyo takoorka dadka reer Somaliland lagula kacay. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in xukuumaddu ay u istaagto difaaca muwaadiniinteeda si sharaf leh, isla markaana si toos ah ula hadasho bulshada caalamka.

Dhanka kale, Eng. Sugaal wuxuu beesha caalamka, hay’adaha duulista caalamiga ah ee ICAO (International Civil Aviation Organization) iyo IATA (International Air Transport Association) ku wargeliyey in aan lagu khasbi karin dadka reer Somaliland in ay isticmaalaan E-Visa ay leedahay Soomaaliya, maadaama Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo ku aasaasantay doonista shacabka Somaliland sanadkii 1991, isla markaana aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.

 “Somaliland waxay leedahay dowlad, dastuur, iyo madaarro u gaar ah oo ay iyadu maamusho. Sidaas darteed, waa mid sharci-darro ah in muwaadiniinta Somaliland lagu khasbo fiiso ay leedahay Soomaaliya. ICAO iyo IATA waa inay arrintan si degdeg ah u eegaan,” ayuu yidhi Eng. Sugaal.
Sidoo kale, Eng. Sugaal wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay (United Nations) in ay ixtiraamto go’aanka iyo doonista bulshada Somaliland, taasoo si cad u muuqatay tan iyo 1991, xilligii ay shacabka Somaliland dib uga soo celiyeen madax-bannaanidoodii.

Qaramada Midoobay waa inay tixgelisaa xaqiiqda jirta ee ah in Somaliland ay ku dhisan tahay rabitaanka dadkeeda, isla markaana aanay ku khasbanayn nidaam siyaasadeed ama sharciyeed oo ka imaanaya Muqdisho,” ayuu ku daray Eng. Sugaal.
Eng. Sugaal wuxuu sidoo kale ku booriyay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah in ay qaadaan masuuliyad buuxda, isla markaana hubiyaan in dadka reer Somaliland loo oggolaado inay si xor ah ugu safraan dalkooda, iyadoo aan lagu qasbin amarro siyaasadeed oo ka imanaya Muqdisho.

 “Tani waa boob iyo dhac si ula kac ah loo maleegay bulshada reer Somaliland, balse waa arrin aan sii jiri doonin muddo dheer. Isla markaan, waxay si cad u muujinaysaa daydaynimada iyo dulmiga maamulka Muqdisho,” ayuu yidhi Eng. Sugaal.

Warbixintan ayaa muujinaysa sida nidaamkii E-Visa ee Soomaaliya uu u noqday il dhaqaale gaar ah oo lagu takoorayo dadka ka soo jeeda Somaliland iyo Puntland, isla markaana uu hoos u dhacay kalsoonidii lagu qabay nidaamyada dijitaalka ee dunida ah.

Xigashooyin:

Muwaadiniin u dhashay Somaliland iyo Puntland oo ku nool Europe, North America, Asia, iyo Africa (2025).

Wareysi lala yeeshay Eng. Cabdulkadir Maxamuud Sugaal, khabiir tiknoolaji iyo xidhiidh caalami ah.

Xogo madax bannaan oo uu ururiyey Abdi-Haybe Blogs (December 2025).

No comments:

Post a Comment