Wednesday, 17 December 2025

Hargeysa: Shir lagaga dooday caqabadaha hortaagan aas-aasidda Guddida Xuquuqda Dadka Naafada ah

 Hargeysa: Shir lagaga dooday caqabadaha hortaagan aas-aasidda Guddida Xuquuqda Dadka Naafada ah
Abdi-Haybe Blog 17 December 2025
Hargeysa – Shir hawleed lagaga lafa-guray caqabadaha hortaagan in Xukuumadda Somaliland hirgeliso Guddida Ilaalinta Xuquuqaha Dadka Naafada ah (National Disability Commission) ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Shirkan waxa ka soo qaybgalay aqoonyahanno ay ku jireen dad naafo ah, garyaqaanno, iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xuquuqda dadka naafada ah, muhiimadda ay leedahay in la aas-aaso guddi u gaar ah, iyo dhibaatooyinka weli haysta bulshada naafada ah.

Dood iyo falanqayn dheer kaddib, ka qaybgalayaashu waxay soo jeediyeen in Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska lagu cadaadiyo inay dib u soo celiso mashruucii sharciga ahaa ee lagu aas-aasayay Guddida Ilaalinta Xuquuqaha Dadka Naafada ah ee Somaliland. Mashruucan ayaa la sheegay in dhawaan ay Wasaaraddu laashay, iyadoo kaashanaysa Dallada Ururrada Dadka Naafada ah ee Somaliland (SNDF).

Sidoo kale, shirka ayaa lagu soo jeediyay in haddii Wasaaraddu ka dhego-adaygto dib u soo celinta iyo meel-marinta mashruuca sharciga ah, la qaadi doono tallaabooyin dastuurku oggol yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. In codsi ay saxeexeen 5,000 (shan kun) oo muwaadin loo gudbiyo Golaha Wakiillada Somaliland, sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.


2. In la qanciyo ugu yaraan 11 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland si ay u horgeeyaan mashruuca sharciga ah ee aas-aasidda Guddida Ilaalinta Xuquuqaha Dadka Naafada ah, loogana ansixiyo goleyaasha sharci-dejinta.

Garyaqaannadii ka qaybgalay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay in sugidda iyo ilaalinta xuquuqda dadka naafada ahi ay si toos ah ugu xidhan tahay aas-aasidda guddi rasmi ah oo u qaabilsan arrimahaas, iyaga oo sheegay in aanay suurtagal ahayn in xuquuqdaasi si buuxda u hirgasho iyada oo aan la helin hay’ad madax-bannaan.

Gebogabadii shirka, waxa la isla qaatay in la sameeyo guddi ka kooban 10 aqoonyahan, kuwaas oo loo xil saaray inay dabagalaan fulinta qodobadii iyo go’aamadii ka soo baxay kulanka.

No comments:

Post a Comment