Sunday, 14 December 2025

Aadamigu Cadaalada Ayuu Ku Badhaadha

AADAMIGU WUXUU KU BADHAADHA CADAALADA, WUXUUNA KU BAKHTIYAA DULMIGA

Dhallinyaroy ; Dulmigu waa xad-gudub loo gaysto Aadami laga itaal roon yahay ama bahaayin lagu xamaasho. Waa gardaro iyo aabi ay ka dambayso isla wayni iyo itaal sheegasho uu isbidayo midka dulmi falaha ahi. Ka soo horjeedka dulmigu waa cadaalad. Cadaaladana waxa ku dhaqma bulsho ilbax ah. Dulmigana waxaa ku dhaqma bulsho u nool sida bahaayinka.Aadamigu wuxuu ku badhaadha cadaalada, wuxuuna ku bakhtiyaa dulmiga. sidaas darteed dulmi loomana hiiliyo lagamana aamuso, maxaa yeelay halaaggu kama yimaado dulmiga haddii aanay jirin bulsho ka aamusan. Ogaada haddii ay calaaladu tahay mid waasicisa aqallada cidhiidhyoon, dulmigu wuxuu cidhiidhshaa dunida waasica ah.
in dadku diidaan oo ka dhiidhiyaan dulmiga ma aha mid ku qeexan diin, dhaqan, iyo ab-saxan, balse waxay ku qeexan tahay nafsada qofka dulmi diidka ah ee aan gunnimada ogolayn. 
Hoggaamiyaha aan lahayn caqliga baaluqa ah dulmiga ayaa u macaan, taasina waxay sabab u noqotaa in bulshadu ku noolato fowdo. Nabadgelyadu in aanay ahayn colaada oo la waayo oo kaliya, balse ay tahay in la waayo dulmiga na.. Qofkii dulmi uga oohiya qof uu ka itaal roon yahay waa qof ay ku yar tahay illaah garashada. Gobonimada oo dadka qaarkiis u diidan qaar kale in taas micnaheedu yahay sinaanta oo laysu diido, taasina ay dhasho in la waayo cadaalad iyo in dulmigu uu noqdo qofka talinaya.
Taariikhda nolosha aadamiga marna kama madhnayn dulmi oo hadba meel buu ka curanayey, laakiin, marwalba waxa jiray bulsho qaabishay oo uu la darsay iyo bulsho diiday oo ka xorowday. maadama labaduba yihiin taariikh, noqda kuwa ay weriso taariikhdu inay diideen dulmiga ee ha noqonina kuwa ay taariikhdu weriso inay dulmiga derseen. 
Dhallinyaroy, mar kasta oo ay idiin muuqato gardarro, dabadeed aad ka aamustaan, ogaada nafsadiina ayaad ku tababaraysaan ducfi iyo inay isu dhiibto dulmiga.
Dulmigu, jaad walba oo uu yahay wuxuu muuqanayaa maalmo kooban,xaquna wuxuu muuqanayaa tan iyo maalinta qiyaamaha, haddii aad doonaysaan inaad baaqi ku ahaataan Aadaminimada la dirira dulmiga, haddiise aad doonaysaan inaad u dhaadhacdaan heerka bahaayinka isugu hiiliya dulmiga. Mid kasta oo ay awoodiisu ay tustay inuu gaadhay heer uu wax dulmiyo wuxuu mudan yahay inuu eego awodda eebbaha ku daawanaya falkaas uusan raalaga ka ahayn iyo wadadii ay mareen dulmi-falayaashii qarnigii 20aad. 
....La soco qaybta 2aad.

Cabdi Haybe
Senior Independent Journalism 
abdihaybe.70@gmail.com 
Hargeisa 

No comments:

Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa ha...