Janaraal Jaamac Cali Qoorsheel oo ka soo jeeday Gobolka Sanaag waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii lafdhabarka u ahaa dowladnimadii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, siyaasi iyo dowlad dhiska qaranka. Waxa uu ahaa sarkaal caan ah oo ka tirsanaa ciidanka Booliska, siyaasi firfircoon, islamarkaana door muuqda ku lahaa marxaladihii ugu xaasasisanaa ee taariikhda Soomaalida.
Dhinacyada muhiimka ah ee taariikhdiisa
1) Doorkiisii dhaqdhaqii SNL iyo Gobonimada 1960 : Qorsheel wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii firfircoonaa ee Somali National league (SNL) xisbiga horseedka u ahaa halgankii xornimo doonka ee British Somaliland. xilligii dowladii rayidka ahayd ee Soomaaliya Waxa uu noqday taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya.
2) Xaaladii kacaankii Milateriga 1969
Kadib dilkii Madaxweynihii Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke, bishii Oktoobar 1969, Qorsheel waxa uu noday shaqsi door weyn ku lahaa inqilaabkii milateri ee xukunka la wareegay 21kii Oktoobar 1969.
Waxa la sheegay inuu si muuqata u taageeray sarreeye gaas Maxamed Siyaad Bare, isaga oo ka mid noqday maskaxdii iyo qorshayaashii dhidibada u taagay nidaamkii kacaanka.
3) Xubin muhiim ah oo Ka mid golihii sare ee kacaanka (SRC)
Markii kacaanku xukunka la wareegay Qorsheel waxa uu ka mid noqday golihii sare ee kacaanka (SRC) wuxuna qabtay xilal sare oo ay ka mid ahaayeen;
- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Soomaaliya
- Wasiirka arrimaha gudaha (1969-1971).
Xilligan waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu awooda badnaa nidaanka cusub, gaar ahaan dhinaca amniga iyo maamulkii gudaha.
4) Xadhig iyo Eedaymo inqilaab (1971-1975)
Sanadkii 1970kii Qorsherl waxa lagu eedeyey inuu inqilaab u maleegayey Siyaad Bare, taas oo keentay in la xidhay Abriil 1971-kii. Wuxuu ku jiray xabsiga ilaa 1975kii taas oo calaamad u noqotay khilaafkii gudaha kacaanka iyo loolankii awoodda.
5) Nolosha Dambe iyo Geeridi
Kadib markii la sii daayey Qorsheel wuxuu ku hawlanaa ganacsi iyo nolol gaar ah, isaga oo ka fogaaday siyaasadda firfircoon.
wuxuu ku geeriyooday London 1989 waxana lagu aasay Muqdisho, iyada maamusay haldoor qaran oo door muuqda ku lahaa dib u dhiska Soomaaliya.
6) Dhaxalka qoyska iyo Saamaynta Siyaasadda.
Qorsheel waxa uu reebay dhaxal siyaasadeed oo sii socda.
- Siciid Qorsheel, wiilkiisu wuxuu isku qabtay xilal Wasiirnimo oo heer federaal iyo Maamulka Puntland.
-Sahra Qorsheel, gadhadiis waa xildhibaan mama xubin Baarlamaan(MP) oo ka tirsan golaha shacabka ee Soomaaliyeed.
Janaral Qorsheel, taariikhdiisu waxay ka turjumaysaa xilligii rajooyinka qaran, loolanka awoodda, iyo burburkii kalsoonida siyaasadeed ee kacankii 21kii Oktoobar 1969