sidaas aawadeed, Baanka dhexe ee Somaliland waxa dadweynaha kala duwani ka codsanayaan inuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaado sariflayaasha localka ah ee uu u seeto dheereyey muddo badan .
Welcome To Abdi-Haybe Blog, The Globally Updated News Related To The Geopolitics, Economy, Environmental, Climate Change, Social Development And Humanitarian Research
Friday, 30 January 2026
Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa u seeto dheereyey sariflayaasha maxalliga ah ee lacagaha oo diiday qaadashada shilinka Somaliland
Sariflayaasha lacagta qalaad ee Somaliland oo ruqsad rasmi ah ka haysta Baanka dhexe ee Dowladda Somaliland ayaa si badheedh ah u jebiyey heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Baanka dowladda oo ahaa inay isku bedelaan lacagaha Somaliland iyo kuwa qalaad gaar ahaan Doollarka Maraykanka, iyaga oo bilaabay beryahan dambe inay iibsadaan kaliya lacagta doollarka, balse aanay iyagu ka iibin dadka oo xataa qofka hal doollar u dira sarifle uu macaamil la leeyahay lacagta Somaliland waxa jawaabta ku noqotaa tahay in aaney accounkiisa ku jirto lacag ku filani. Bank dhexe ee Somaliland oo waajibaadkiisa shaqo ay ka mid tahay inuu ilaaliyo qiimaha shillinka Somaliland iyo hanaanka sarifta lacagaha ayaan wax talaabo ah ka qaadin sariflayaasha urursanaya lacagta adag ee diiday inay qaatan lacagta Somaliland, taas oo keentay in bulshadu dhibaato kala kulanto isku bedelka lacagta Somaliland iyo doollarka.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
-
Welcome To Abdi Haybe View kusoo Dhawoow Bogga Warka Iyo Waayaha Ee Uu Soo warbixinayo Weriye Waayo Badan Soo Jiray. Waa Cabdi Haybe Waa Wa...
-
E-Visa Scandal: Bribery in Mogadishu Targeting Somaliland and Puntland Travelers By Abdi-Haybe Blogs , Independent Reporter – 14 December 2...
-
SHAQSIYADA IYO SIFADA SULDAAN MAXAMUUD CALI-SHIRE (1876-1960) (Illaahay haw naxariistee). Suldaan Maxamuud Cali-Shire ( 1876-196...
No comments:
Post a Comment