Monday, 20 April 2026

Wadanada Khaliijka Carabta oo u jihaysan iibinta saliida iyo gaaska ee lacagta Shiinaha Yuan, kana guuraya isticmaalkii Doollar

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar ayaa la soo warinayaa inay tixgelinayaan isbeddel taariikhi ah oo ku aaddan iibinta saliidda iyo gaaska ee lacagta Shiinaha ee Yuan halkii laga isticmaali lahaa doolarka Mareykanka. Tallaabadan ayaa timid ka dib khalkhal weyn oo ku yimid silsiladaha sahayda ee ay geysteen colaadda gobolka ee socota iyo xirnaanshaha marinka Hormuz, taas oo cadaadis ku saartay wadamada Khaliijka inay raadsadaan xulashooyin ganacsi oo lacageed oo dabacsan oo kale.

Sidoo kale, wadamada khaliijka Carabta ayaa dhegaha ka furaystay hadal uu Trump uhu soo jeediyey inay bixiyaan khasaarahii Iran ka soo haadhay dagaalka bariga dhexe.

No comments:

Post a Comment