McGovern ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera Mubasher, wuxuu ku muujiyey in aragtidiisa ku aaddan guuldarrada Maraykanka ay ku saleysan tahay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
1. Taageero dadweyne oo liidata: McGovern wuxuu tilmaamay in dareenka guud ee shacabka Maraykanku uusan u janjeerin dagaal.
Wuxuu xusay in 25% oo keliya oo Maraykan ah ay taageersan yihiin dagaal lala galo Iiraan, taasoo ka dhigan in dagaal ballaaran oo lagu galo xaaladdan diidmada ah uu wiiqi karo awoodda maamul kasta oo doonaya inuu sii wado ama guul cad ka gaaro.
2. Hoos u dhaca taageerada Israa’iil
Wuxuu sidoo kale sheegay in taageerada Maraykanka ee Israa’iil ay si weyn hoos ugu dhacday, isagoo xusay in Maraykanku yihiin dad aan jeclayn xasuuq iyo gaajo la abuuro, taasoo yareyneysa fursadda siyaasadeed ee maamulka uu ku difaaci karo dagaal cusub.
3. Burburinta waddadii diblomaasiyadda
McGovern wuxuu caddeeyay in wadaxaajoodyadii lala lahaa Iiraan ay “ku dhowaayeen dhammaad”, isagoo xusay in wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badr Al-Busaidi, oo ka qeyb galay wadaxaajoodyada Geneva, uu sheegay in horumar muuqda la gaaray lana dhowaa is afgarad. Wuxuu intaas ku daray inuu rajo ka qabay in xal siyaasadeed la gaaro, balse go’aanka weerarka la qaatay iyadoo xal la dhowaa.
4. Qiyaas khaldan oo ku saabsan awoodda Iiraan
Wuxuu ku tilmaamay go’aanka dagaalka “tallaabo nacasnimo ah”, isagoo adkeeyay in Iiraan aysan la mid ahayn Ciraaq sanadkii 2003. Wuxuu sheegay in Tehran ay leedahay awood, rabitaan iyo go’aan ay ku wajahayso dagaal kasta, taasoo ka dhigeysa dagaal kasta mid dheer oo qaali ah.
5. Isticmaalka nacaybka Islaamka oo aan mar dambe shaqeyn Falanqeeyaha ayaa ka hadlay waxa uu ku tilmaamay warshadeynta “Islaam naceybka” kadib weerarradii 11 Sebtembar, wuxuuna sheegay in arrintaasi aysan mar dambe qancin shacabka Maraykanka. Wuxuu tixraacay warbixin ka soo baxday Wasaaradda Difaaca Maraykanka sanadkii 2004 oo lagu sheegay in Muslimiintu aysan necbayn xorriyadda Maraykanka balse ay neceb yihiin siyaasaddiisa, isaga oo xusay in fikirka dadweynaha Maraykanku si weyn isu beddelay tan iyo markaas.
6. Khataraha mideynta cadowga halkii laga kala fogeyn lahaa Ray McGovern wuxuu ka digay in beegsiga hoggaamiyeyaal sare, oo uu ku jiro hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Cali Khamenei, ay keeni karto in la mideeyo shacabka Iiraan iyo xitaa Shiicada iyo qaar ka mid ah Muslimiinta Sunniga ah, taasoo ballaarin karta goobta dagaalka halkii la xakameyn lahaa.
Ugu dambeyn, McGovern wuxuu ku soo gabagabeeyay in dagaalkan uu yahay “musiibo uusan Trump ku guuleysan doonin”, isla markaana natiijadiisu noqon doonto “sheeko murugo leh” oo sababi karta dhimasho tiro badan.
No comments:
Post a Comment