Sunday, 1 February 2026

Madaxweyne Deni "Fal dembiyeed iyo Isku day dil ayaa saaka dhacay . laakiin nalama cabsi gelin kar"

Madaxweynayha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay samaysay fal dembiyeed iyp isku day dil oo dhacay saaka kadib markii ay hawada ka celisay laba diyaaradood oo uu ku wajahnaa Muqdisho kuwaas oo siday ciidamo hordhac u ahaa safarka madaxweynayaasha Puntland iyo Puntland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe. taas oo ahayd masuuliyad daro khatar gelin gaadhay diyaaradahaas oo aysan hubin inay sitaan shidaal ku filan balse lagu amray inay dib ugu laabtan Garoowe iyo Kismaayo oo ay saaka ka soo duuleen.

Madaxweyne Siciid Deni oo saxaafada la hadlay maanta ayaa tilmaamay in DFS ku kacday fal waxuushnimo ah oo khatar geliyey diyaaradaha iyo ciidanka ay hawada ku siisay amar ah inaan ka soo degi karin madaarka Muqdisho oo dib ugu laabtaan Garoowe iyo Kismaanyo iyada oo aan hubsan inay sitaan shidaal ku filan. ..
"Isku day dil ayaa saaka dhacay .waa lagala xisaabtamayaa" ayuu yiri Siciid Deni isaga oo sheegay inay uga baaqsanayen safarkooda muqdisho iyo shirka wada xaajoodka doorashada Madaxweynaha cabsi gelin ka timaada DFS.

Madaxweynaha Dowladda taagta daran ee Soomaaliya XSM oo hadda u xuubsiibtay inuu noqdo keligii talis aan isku kalsoonayey ayaa talaabadan khaldan ee uu qaaday diyaaradahaas lagu tilmaamay inuu tahay mid uu ku carqaladeynayo shirka wada tashiga madasha mucaaradka iyo DFS oo ah mid lagaga wada arrinsanayo doorashada Madaxtooyada Soomaaliya iyo sidii heshiis mideysan looga yeelan lahaa hanaanka doorashada madaxweynaha oo wakhtigeedu soo dhowaaday..

No comments:

Post a Comment