Socdaalkan ayaa loo arkaa mid muujiya midho dhalka iyo horumarka ka soo baxay shirkii gogosha nabadda ee Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ka hirgeliyey Ceerigaabo dhawaan, kaas oo ujeedadiisu ahayd dub u heshiisiin, xasilooni iyo wada noolaasho ka dhex abuurida beelaha ku dhaqan gobolka Sanaag.
Xubnahan ka soo jeeda qabiilka Dhulbahante waxay qayb ka ahaa wefti balaadhan oo ka socd socday xukuumada Somaliland, kuwaas oo magaalads Ceerigaabo kaga qaybgalay munaasibad heer qaran ah. Booqashadan ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah, maadama ay timi kaddib muddo ay jireen xiisado amni iyo kala shaki siyaasadeed.
Masuuliyiinta iyo waxgaradka kale ee ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa si diiran u soo dhaweeyey weftigan, iyaga oo muujiyey rajo ah in talaabadani horseedi doonto is faham waara, nabadgelyo, iyo wada shaqeyn dhex marta dhamaan beelaha walaalaha ah ee dega gobolka Sanaag.
Ugu danbayn socdaalkan ayaa fariin cad u diraya bulshada gudaha iyo dibada, taas oo ah in geedi socodka nabadda iyo wada hadalka ay yihiin jidka kaliya ee lagu gaadhi karo xasilooni siyaasadeed iyo mid bulsho oo waara.
Xubnaha wefigaas ayaa kala ah, Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka iyo jidadka Somaliland Maxamed Cabdi Maalik, Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Mr. Jiidhe, Taliyaha xabsiga dhexe ee Ceerigaabo Corn. Maxamuud Olol Jaamac, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Naalleeye Axmed Sheekh iyo siyaasi, Axmed Warsame Iidle .(Dr.Axmed Nuur)
No comments:
Post a Comment