Saturday, 27 December 2025

Eyda Villa Wardhiiglay ha iska ciyaan, geediga Somaliland wuu soconayaa..

Madaxda Dowlada Federaalka Somalia oo beryan dambe u muuqatay inay ku mashquulsanaayeen boobka hantida qaranka iyo dhulka danta guud gaar ahaan xarumihii dowlada ee adeegyada bulshada ee ku yaalla Muqdisho kadib markii ay waayeen dhaqaalihii iyo caawimooyinkii ay ka heli jireen Maraykanka iyo Beesha Caalamka oo gebi ahaanba joogsaday dhawaan ayaa shalay cariiskii Villa Wardhiiglay ku dumay kadib markii dowlada Israel ay ku dhawaaqday inay si rasmi ah u ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland oo naqday dal madax-bannaan.
Madaxda Dowlada taagta daran ee Muqdisho oo afartankii sano ee loo rahmanaa dhinacna dhaafi wayday villa Wardhiiglay ayaan qalbi jabkii ku dhacay awgiis ilaa hadda cadeyn kari la"a  mowqifkooda siyaasadeed ee ku wajahan go'aanka dowlada Israel ay ku aqoonsatay madaxbanaanida Somaliland inay tahay dowlada xor ah oo gaar u taagan, taas oo meesha ka saartay sheegashii DFS ee ahayd inay Somaliland tahay qayb ka mid dhul weynaha Soomaaliya. 
inkata oo cambaaraynta Dowlada Federaalka Somalia iyo urur goboleedyada kale ay u soo jeediyeen Dowlada Israel uusan waxba ka bedeli karin mowqifka  Israel ee ku wajahan ictiraafka Somaliland, haddana sida muuqata kooxda xaraash qaran ee Xasan Sheekh waxa durba bilaabeen borobogaandho afka ah oo rabaan inay ku wiiqaan go'aanka dowlada Israel iyaga oo adeegsanaya warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho oo qaarkood 24 saac ee u dambeyey baahiyeen warar been abuur iyo dacaayad ah oo la rabo in laga dhaadhiciyo bulshada Soomaaliyeed wax aan jirin iyo huuhaa, kuwaas oo sheegaya in dad u badan caruur iyo dumar reer Falastiin la rabo in xoog lagaga  soo rarayo dhulkooda oo la soo degiyo Somaliland iyo in Israel  laga siinayo gudaha Somaliland saldhig ciidan oo ay kaga duusho Xuutiyiinta Yeman si ay u burburiso awoodooda ciidan, kuwaas oo ah mala'awaal iyo gacan ku rismis aan wadan wax cadeymo rasmi ah habayaratee. Nin Daad qaaday xumbo cuskay.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa mudan in lagu bogaadiyo ictiraafka ay ka heshay Israel oo ah mid ku yimi dadaal dheer iyo juhdi ay geliyey madaxda dalku, balse aan si sahal ah isaga iman
Eydu ha cido geediguna wuu soconayaa
Eygu ha iska ciyo, geediguna horuu u soconayaa"

No comments:

Post a Comment