Monday, 12 January 2026

Hirshabeele , Waqooyi bari, Galmudug iyo KG oo u jaray xidhiidhkii Wasaarada Diinta Somalia oo isu-bedeshay NGO uu ku maxaafsado Horjoogihii hore ee As Roobow Al-Maansoor

 Wasaaradaha Arrimaha Diinta ee maamulada  Woqooyi-bari, Hirshabeelle, Galmudug & KGS ayaa ku dhaawaqay in ay xidhiidhka u jareen Wasaaradda Arrimaha Diinta Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in horjoogihii As Roobow Al- Maansuur isku cuno duubay keligii  maamulka Xajka kana baydhay hanaanka federaalka dalka.

Afaran Maamul oo ah kuwa xilligan xidhiidhka tooska ah la leh DFS, ayaa laga cabsi qabaa inay ku biiraan safka Puntland iyo Jubbaland oo iyagu hore xidhiidhkii wada shaqeynta ugu jarey Dowladda Federaalka Somalia kadib markii ay ku tagri fashay awoodii Dowladnimada Soomaaliyeed kan dhigtay NGO ay ku maxaafsadaan shaqsiyaad gaar ahi.

DFS oo laashay heshiisyadii ay hore ula gashay Imaaraadka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda u laashay dhamaan heshiisyadii ay hore ula galay Imaaraadka Carabta, oo uu xumaaday  xidhiidhkoodu  kadib socdaalkii hoggaamiyaha STC Yemen ku tegay Muqdisho dhawaan.
Golaha Wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa faadhi aan caadi ahay oo yeesheen  maanta cod aqlabiyad ah ku laalay dhamaan heshiisyadii hore u dhex maray labada dowladood ee Soomaaliya iyo Iimaaradka Carabta, kuwaas oo aan intooda badan la horgeyn baarlamaanta DFS. oo sharciyan ay tahay inay ogolaadaan ama diidaan ansixinta heshiisyada caalamiga ah.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh oo caan ku ah musuqmaasuqa ayaa la sheegay inay lacag faro badan oo xaqul qallin ah ka qaadatay dowladda Imaaraadka Carabta iyo shirkado gaar kadib markay kala saxeexdeen  heshiisyo si qarsoodi ah u dhacay marar kaln.
 
Madaxwynaha wakhtigiisu dhamaamayo oo quudareynaya inuu Boqortooyada Sucuudiga ka helo dhaqaale buuran ayaa markii u horeyey hoos u dhigay xidhiidhka Abu Dhabi oo ahaa mid ku saleysnaa dano shaqsi iyo kobcinta hantida qoyska Madaxweynaha.

Dowladda Iimaaradka Carabta ayaa xidhiidh kale oo toosa la leh maamulada Puntland, Jubbaland & Dowlada Somaliland. 

Sunday, 11 January 2026

XSM oo looga dhigay in uu sharka AS-ta Koonfurta u soo xawilo Laascaanood

Qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Dhulbahante ayaa digniin hor dhac ah u jeediyey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud in dhulkooda loo soo xawili karin kooxaha argagixisada As oo ka soo raro koonfurta Soomaaliya si uu ugu jiheeyo dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland. 

Garaadada Gobolada Sool iyo Cayn oo sida la sheegayo maanta khadka tilifoonka kula xidhiidhay Xasan Sheekh Maxamuud oo jooga Muqdisho, balse khamiista 15ka bishan ku soo wajahan magaalada Laascaanood inuu u yimaado  caleemasaarka hoggaamiyaha WB Mr Firdhiye ayaa talo ugu jeediyey in aanu difaaca midnimada Soomaaliyeed u adeegsan argagixisada As oo uu ku  balaariyo guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan Gobolada ay nabadgeliyada ka jirto.
Waxa kale oo Garaadadu u sheegeen XSM in aysan aqbali doonin qorshe guracan oo abuuri kara colaad sokeeye oo dhex marta maamulkooda waqooyi bari iyo Somaliland iyo weli Puntland. kuwaas oo ay tilmaameen inay yihiin deris uu ka dhexeeyo dhaqan iyo waxyaabo kale oo badan, balse aanu wanaagsanayn xidhiidhkoodu iminka. 

Sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola siyaasada Garaadada waqooyi bari waxay shaqsiyada XSM ku sifeeyeen inuu laba wejiyiile, khaa'in iyo axdi laawe aan balan iyo run toon aqoon habayaratee. iyaga oo  ujeedada booqashadiisa Laascaanood ku micneeyey inay tahay "Dan baa tidhi" iyo ha lsygu taageero dagaalka aan kula jiro ictiraafka Somaliland, kuwaas oo aanu wax dan ah ugu jirin maamulka WB.

Garaadada Dhulbahante gaar ahaan kuwa ka madaxbanaan siyaasiyiinta  Timo cade iyo Ina Qowdhan  oo u badan aqoonyahano si dhow ula socda xaalada cusub ee siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo dublamaasiyadeed ee uu galay dalka Somalia ayaa gambadh dheer ugu sii fadhistay  Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka war sugaya safarkiisa waxyaabaha uu la shir iman doono Laascaanood,si ay marka hore u qiimeeeyaan muga faa'ido iyo khasaare, saamayn togon iyo taban uu mustaqbalka ku yeelan karo maamulkooda curdinka ah ee Waqooyi bari. 
War jiraaba Cakaaruu iman ...

Saturday, 10 January 2026

XSM oo aqbalay baaqii shirkii Kismaanyo ee ahaa inuu gogol Qaran oo masiirka dalka iyo doorashooyinka lagaga wada tashado dhigo

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqi doona gogol wada tashi inuu u dhigay xubnaha golaha mustaqbalka oo aqbalay baaqii shirkii Kismaanyo ee ahaa inuu gogol qaran oo masiirka dalka iyo doorashooyinka looga arrinsado dhigo. 
Madaxweynaha uu wakhtigu ku dhamaanayo ayaa ujeedada gogosha wada tashi uga gol leh laba arrimood oo kala ah inu  taageero siyaasadeed ka helo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee saaxiibka la ah Iimaaradka Carabta maadama isaga iyo imaaradku ay kala xidhiidh furteen xilli uu dalka Soomaaliya ku jiro marxalada adag.
Xasan Sheekh oo dhawaan u xuubsiibtay inuu noqdo keligii taliye aan cidna wax iskaga tirin ayaa hadda u muuqa inuu yahay nin dib ugu soo laabanaya xayndaabkii sharciga ka dib markuu soo taabtay gidaarka. 

Thursday, 8 January 2026

"Bakhaarka WFP ee la burburiyey ma aha hanti si fudud loogu bedeli karo ujeedo kale iyo dano khaas ah" Xild. Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DFS ayaa wax laga naxo ku tilmaamey in xiiligan la burburiyo bakhaar ay lahayd Hay'adda cuntada aduunka WFP oo loogu talo galay in lagu kaalmeeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

"Waxaan ogaa in macaluushii laga hortagay xiligii aan ahaa Ergeyga Madaxweynaha ee ka Jawaabista Abaaraha ay inteeda badan sabab u ahaayeen kaalmada ballaaran ee saaxiibbada caalamiga ah, si gaar ah Maraykanka oo ahaa deeqbixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini'aadantinnimo u fidiya Soomaalida ay abaaraha iyo macaluushu aafeeyeen. 
Haddaba walaaca isa soo taraya ee dawladda Maraykanka marnaba lama dhayalsan karo. Soomaaliya waxay wajahaysaa abaar ba'an, sidaa awgeed ilaalinta gargaarka bini'aadantinnimo ee xilligan oo kale waa waajib akhlaaqeed. 
Waxaase wax laga naxo ah in xilligan la burburinayo bakhaarkii ay lahayd Hay'adda Cuntada Addunka (WFP), kaas oo loogu talaggalay in lagu kaalmeeyo dadka ay abaaruhu saameeyeen. 

Bakhaarka lagu kaydiyo cuntada qoysaska nuguli waa halbowle nololeed oo dadka wax lagu gaarsiinayo. Ma aha hanti si fudud loogu beddeli karo ujeeddo kale iyo dano khaas ah, iyada oo aan la helin hufnaan buuxda iyo heshiis lala gaaro hay'adaha gargaarka oo ay ku jirto Hay'adda Cuntada Adduunka xafiiskeeda Soomaaliya. 

Iyada oo aan ognahay in kummanaan Soomaaliyeed si sharcidari ah loo barakiciyey, haddana in sidan masuuliyad darida ah loola dhaqmo hay'adaha gargaarka waxay tilmaan u tahay in hoggaanka dalku aanu wax dan ah ka lahayn danyarta Soomaaliya ee nololxumada iyo tacaddiyada dawladeed la dhibban. 

Waxaan dalbanaynaa in la sameeyo baaritaan rasmi ah oo madaxbannaan, taas oo lagu xaqiijinayo sababta keentay in la burburiyo xarumihii hay'adda gargaarka. Sida oo kale, waxaan ku baaqaynaa in la helo dammaanad adag oo lagu ilaalinayo xarumaha gargaarka. Gargaarka dadkeenna iyo kalsoonida deeqbixiyayaashu way isku xiran yihiin, sidaa darteed waa in kalsoonida jabtay dib loo kabo, waa haddii uu jiro damiir iyo damqasho masuuliyadeed oo dhab ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Jabhado Hubeysan ka abuuraya gudaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda federaalka Somalia Xassan Sheikh Mohamud ayaa la sheegay inuu bilaabey qorshe uu jamhado hubaysan iyo ciidamo beeleedyo kaga abuurayo gudaha Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacayo, kuwaas oo nabadgelyo buuxda ay ka jirto hadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo faraha ku leh  dhiiga dadkii shacabka ah ee doraad ku laayey Dayniile ayaa sida la sheegay ku amray taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yusuf Raage in uu abuuro guutada 32aad ee ciidanka qaranka Somalia, oo dib u hayb ku sameeyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed.  taas oo noqonaysa sadex urur oo loo kala qeybiyey sidan, Ururka 321-aad, oo Boosaaso ah, Ururka 322aad, oo Garoowe ah, Ururka 333,aad oo Gaalkacyo ah.

Xassan Sheikh oo sadaxdii sano ee la soo dhaafay u tafaxaydnaa dagaal ka dhan ah maamulka Puntland ayaa inuu marar kala duwan hore u sheegay in ay ciidamo DFS u joogaan gudaha Puntland, .haseyeeshee qaar kamid ah Senatarada Puntland ku metela Baarlamaanka DFS ayaa ciidankaas ku tilmaamay inay yihiin jabhado la abaabulayo, oo la doonsyo in lagu khalkhal geliyo amniga iyo xasiloonida Puntland.


Monday, 5 January 2026

Habar caal weyday Durey bay hafartaa !!

" Koox yar oo xagjir ah kana rajo beeshay inay naga go'do ayaa Yuhuuda u gacan haadisay" sidaas waxa yiri; Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta kala hadlay Arab News go'aankii dowlada Israal ku ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland 25kii December 2025kii.  
XSM oo ah siyaasi ka aradan anshaxa luqada dublamaasiyada ayaa rajo xumo iyo niyad jab ku dhacay awgood miicin bidaya inuu adeegsado weedh  ah inuu Israail siyaasiyan ka adkaan doono dhawaan oo haysto taageerada dowlado shisheeyo. waxana uu tilmaamay in madaxda dowlada Somaliland  yihiin koox yar oo xagjir oo ka rajo beeshay inay Soomaaliya ka go'aan. kuwaas oo uu sheegay inay Israaal u gacan haadiyeen si ay u  ictiraafto Somaliland. Xasan Sheekh isaga oo isku dayeyay inuu xaqiiqada dhabta ah qariyo oo been cad ka dhaadhiciyo bulshadiisa waxa uu ilaa maanta is diidsiinay  in Israaal ay si rasmi ah u ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay in DFS geed gaaban iyo mid dheerba u fulayso sidii ay Somaliland uga hor istaagi lahayd ictiraaftkaas. isaga oo xusay in arrintaas kala shaqeynayaan Dowlado ay saaxiibo yihiin Soomaaliya. 
Kooxda xaraash qaran oo todobaadkii la soo dhaafay hadalo xanafleh isu marinaysay warbaahinta Muqdisho ayaa  XSM u soo jeediyey inay xaalada dejiyaan oo ay isu tanaasulaan wixii khilaaf iyo madmadow soo dhex galay meesha laga saaro si ay dalka uga difaacaan cadowga ku soo duulay.

Mudane Xasan Sheekh oo dad badani ku  tilmaameen inuu yahay shaqsi musuqmaasuqa ah, go'aan jilicsan,  kana aradan aqoonta siyaasada oo jahawareersan ayaa mustaqbalka jiilasha dambe waxay  ceebtiisa ka dheehan doonan diiwaanka kaydka taariikhda Soomaalida in nin Xasan Sheekh la odhan jiray uu dalka  madaxweyne ka ahaa markii Israaal ay sida rasmiga ah u   ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland 
 " Falaadhi gilgilasho kaagama hadho..."

Xukuumadda Somaliland oo beenisay warar sheegayey in Turkigu saldhig ka sameysanayo Laasqoray

Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax(Cali-Buureed)  ayaa si adag u beeniyey warar ku tiri ku teen ah oo sheegayey in Dowladda Turkigu ka dhisanayso Laasqoray deked iyo saldhig Militeri, isaga oo cadeeyey in ciidanka badda ee Somaliland uu joogo Laasqoray oo ka tirsan dhulka Somaliland.
Wasiir Cali Bureed oo maanta warbaahinta maxaliga ah ugu waramayey magaalada Hargeysa ayaa huuhaa waxba kama jiraan ah been abuur ah ku tilmaamey warka sheegaya in Turkigu Deked iyo saldhig ciidan ka dhisanayo magaalo xeebeeda Laasqoray ee gobolka Sanaag waxana uu weriyayaasha Somaliland kula dardaarmay inay joojiyaan faafinta wararka been abuurka ah ee cadowga sida Dowladda taagta daran ee Soomaaliya oo awoodeedu ku soo ururtay  inay bulshada iska horkeento kadib markii ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibada iyo qorshihii jihaynta doorashada madaxtooyada Soomaaliya. 
Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland Cali Jaamac Faarax oo.ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ah siyaasi aragti dheer leh oo si dhow ula socda xaalada dhabta ah ee ka jirta Laasqoray iyo degmooyinka kale ee bariga gobolka Sanaag kuwaas oo aaney saameyn ku lahayn DFS habayaratee.

Friday, 2 January 2026

Yuhuudu waxay u qaybsantaa Sadexda qaybood oo waaweyn..

Yuhuuda sadex (3) qaybood oo waaweyn baa loo qaybiya, waana muhiim in Somaliland ay barato dadka ay xidhiidhka la samaysay, sida ay u qaybsanyihiin iyo dhaqan ahaan, taariikh ahaan, taas ayaa keeni in la fahmo qaabka go, aanka loo qaato, iyaguna waydin darsayaan Ilaa jilib hoose.

Ashkanaasi. Waa qaybta maanta awooda dalka haysa, waxana ay ka yimaadeen,Yurubta dhexe iyo Bariga Yurub, sida Jarmalka , Poland, Russia, Lithuania.waxay leeyihin luqad hoose oo la dhaho Yiddish.waana qoomiayada ugu  badan.

2- Sephardi.waxa ay ka yimaadeen Spain and Portugal, kadib waxay u guureen Waqooyiga Africa,Turkey, Balkans . Waxay ku hadlaan luqad gaar ah oo hoose Ladino ayaa la dhaha. dhaqan ahaan way ka duwan yihiin kuwa kale.

3. Mizrahi, asal ahaan bariga dhexe ayay ka soo jeedaan,waxayna dhaqan ahaan aad ugu dhaw yihiin Yuhuudi hore ee Bariga dhexe deganaan jiray.

Thursday, 1 January 2026

Xildhibaanada baarlamaanka DFS ee ka soo jeeda Somaliland oo eedaymo kulul u soo jeediyey Dowladda Somalia

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Somaliland ee kusugan Muqdisho ayaa markii ugu horeysay doodaha dhexyaala Somalia iyo Somaliland, iyagoo gabi ahaanba ka gaabsaday in ay cambaareeyaan ama soo hadal-qaadan  go'aanka ISR|L ay ku ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland, 25kii December 2025.

Xildhibaanada ayaa si cad u garab istaagay qadiyadav Somaliland, waxayna taxeen qodobo waa-weyn oo ay arar ka dhigteen, gaar ahaana doodaha ad adag ee laxariira in Soomaaliya dib wax ugu qeybsan karto oo kaliya Koonfur & Waqooyi, sidaas oo kale ay sheegeen in ficilada kasocda dhinacyada ay xaaladda uga darayaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in halkii laga raadin lahaa Midnimo iyo dawlad Soomaaliyeed, ay Koonfurtu talada maroorsatay oo dawladnimada 25kii sannaba lagu dulminayay aragtida Somaliland, aysana taasi sax aheyn.

Dawladda Faderaalka, waxay ku eedeeyeen in aysan jirin wax qorshe ah oo ay Midnimada ka leedahay, yoolka Koonfurtuna uu yahay uun in madaxweynaha & Ra'iisulwsaaaraha la kala qaato.

Sida kaliya oo heshiis ku imaan karro ayay sheegeen in ay taahy wada hadal loo galo Koonfur & Waqooyi oo aan wax kale jirin, taas oo ka dhigan dood adag.

1- Waxaan cadeynaynaa in aan Muqdisho u joogno Midnimo, waxaan aaminsanahay in dantu ku jirto wadajirka ummadda.

2- Dawladdii Soomaaliyeed 1dii July 1960-kii waxay ka dhalatay labo dawladood "Somaliland & Somalia", waa in lagu laabtaa heshiiskaas dibna loo qeexaa isla jidkaas.

3- Si aanay u gaarin dhibaato aan la mahdin doonin wadajirka, waxaan labada dhinac ugu baaqaynaa Somaliland & Soomaaliya gaar ahaana madaxda hoggaanka in la joojiyo hadalada naceybka ah ee sii kala irdhaynaya bulshada.

4- Marnaba uma aragno gar iyo daw in la inkiro xaqqa dadka Soomaaliland ay leeyihiin & Dhibkii loogu geystay magaca dawladnimada Soomaaliya oo macruuf ah.

5- Argagixisada caalamiga ah waxay khatarta ku hayaan waa in laga fogaado in la diimeeyo Khilaafkaadkja siyaasiga ah ee Soomaalida u dhaxeeya, si looga fogaado oo ay adkaan in xal loo helo.

6- Dawladda Faderaalka waa in ay ka baaqsataa talaabooyin tabanaya dhaqaalaha, amniga & socodka dadka Somaliland jooga, maadaama aan xoog lagu qasbi karin Midnimo.

7- Dawladda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa in ay kusoo laabato miiska wada xaajoodyada si xal waara looga gaaro khilaafka jira.