Wednesday, 31 December 2025

Ururka Jamaacada Carabta, IGAD iyo Midowga Africa iyo Bariga Africa oo qashinka ku daray qaraarkii DFS ee ku saabsan dedefeynta ictiraafka Somaliland

Dowladda Federaalka Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo aan awood iyo sumcad toona ku dhex lahayn ururka Jamaacada Carabta, IGAD, Midowga Afrika iyo bariga Afrika ayaa ku guuldareystay inay meel mar noqdaan qaraar ka dhan ah ictiraafka rasmiga ah ee Somaliland ka heshay dowlada Israel 25kii December 2025. kadib markii ay soo jeedintiisa u arkeen inay tahay dacwad aan iyaga khuseyn oo aaney waxba ka qaban karin, islamarkaana aan mudnayn inay kulamo gaar ah ka yeeshaan. 

Xasan Sheekh Maxamuud oo badhi taar ka helayay dowlado shisheeye ayaa guul u arka in golaha Amaanka ee qaramada midoobay oo kulan gaar ka yeeshay arrinta ictiraafka Israel siiyey Somaliland kadib markii golahiisi aqbal qaraarkii DFS. kaas oo dood adagi ku dhex mareen Dowladdaha Somalia iyo Israel oo iyadu difaaceysay go'aanka ay ku ictiraaftay Jamhuuriyadda Somaliland.  
Haseyeeshee, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu weji gabax kala kulmay ururada Jamaacada Carabta, IGAD, Midowga Africa iyo Bariga Africa oo dhamaantood qararkii uu u gudbiyey kudaafada ku daray oo diiday inay kulamo gaar ah ka yeeshaan qararka DFS oo ahaa mid xambaarsana dacwad ka dhan ah go'aanka Israel ku ictiraaftay dowladda Somaliland, kuwaas oo XSM ka filayey inay ugu yaraan cambaareeyaan ayaa ka dhacay arrintaas.
XSM oo hadda ku guda jira safaro uu ku marayo wadamo ay saaxiib yihiin Somalia ayaan ilaa iminka arrinta ka hortaga Ictiraafka Somaliland aan wax garowsasho dhaafsiisan uga  helin madaxda uu la kulam 48 saacadood ee u dambeeyey, taas oo muujinaysa rajo xumada iyo fashilka uu wajahayo XSM oo ah nin lagu sifeeyey musuqmaasuq, qabyaalad, karti daro, hunguri badni, aragti siyaasadeed oo gaaban leh oo jahawareersan.

No comments:

Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa ha...