Wednesday, 17 December 2025

Dr. Gaboose: Syaasiga keliya ee Somaliland aaney siin fursad uu ku muujiyo hibadiisa Hoggaamineed



Siyaasi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waa shaqsi dhif ah oo ay isku biireen dhammaan sifooyinka lagu garto hoggaamiyaha dhabta ah: aragti fog, geesinimo, daacadnimo iyo khibrad siyaasadeed oo gaadhaysa in ka badan konton sano. Waa nin si qoto dheer u fahamsan duruufaha bulshada Somaliland iyo caqabadaha hortaagan horumarkeeda. Dad badan oo ka mid ah shacabka ayaa si buuxda u rumaysan in Dr. Gaboose yahay siyaasiga keliya ee dalka ka samatabixin kara jahawareerka siyaasadeed, musuqmaasuqa iyo hoggaaminta liidata ee maanta lagu hagayo.

Si kastaba ha ahaatee, nasiib-darro taariikhi ah ayaa ku habsatay Somaliland, maadaama Dr. Gaboose weligiis aan loo oggolaan inuu helo fursad uu ku muujiyo hibadiisa hoggaamineed. Halkii la siin lahaa hoggaan karti leh oo daacad u ah danaha qaranka, waxa marar badan lagu qanciyay bulshada si loo raali geliyo qabiil gaar ah in ay doortaan madaxweyne jilicsan, aan lahayn go’aan-adayg iyo hogaamin dhab ah, kana indho la’ dulmiga, cadaalad-darrada iyo burburka ku sii fidaya hay’adaha dawladda.

Arrintani waxay si cad u muujinaysaa sida danaha qabiilka, eexda iyo xisaabta gaaban ay uga hor istaageen Somaliland inay hesho hoggaan dhab ah oo u qalma, halka ay seegtay fursad dahabi ah oo uu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ku noqon lahaa hoggaamiye dalka u horseeda caddaalad, horumar iyo karaamo qaran. Garmaqaatayasha iyo dadka beerra ruux gudhane,
 
Ninka ugu ildheer baa dadka ugu ayaan daran
Wax aan lala arkayn baa isaguun u muuqda.
Ahay ah maskaxdaa laga abaaroobay. 



No comments:

Hadal ka soo fakaday Xasan Sheekh oo dareen shaki leh ku abuuray bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore isagu sifeeyey inuu yahay qof isbedbedla oo maalinba leh weji cusub oo ka duwan kiisii hore ayaa ha...